Cagalule: “Annaga & Puntland wada jir ayaanu Cadowga Ula dirireynaa”

Afrikada, Khaatumo: Madaxweyne ku xigeenkii maamulka Khaatuma Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) haatanna si aad ah loogu aqoonsan yahay in uu yahay madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa wareysi uu siiyay qeybo ka mid ah warfaafinta waxa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiisada dagaal ee iminka ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, qorshaha maamulkiisa kaga aadan dagaalka iyo weliba mustaqbalka maamulkiisa Khaatumo.

Mudane Cagalule waxa uu sheegay in qorshaha uu u joogo Puntland ay tahay wanaajinta iyo Nabadeynta Deegaanada maamulka khaatumo ayna haatan meel wanaagsan wax u marayaan sida uu sheegay.

Sidoo kale mr.Cagalule ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in shacabka iyo dowlada Puntland ay yihiin dhiig iyo dad wada dhashay isagoona sheegay in ay lagama maarmaan tahay in puntland ay soo celiso dhulka ka maqan ganactooda ee ka tirsan Sool & Sanaag.

Dhinaca kale ex-madaxweyne ku xigeenki Khaatumo haatanna ah Mr.Cagalule ayaa soo hadal qaaday mustaqbalka Maamulkiisa khaatumo iyo waxa u qorsheysan xili colaad ba’ani ay ka taagan tahay gobolka Sool oo horey uu maamulkiisa uu uga arimin jiray.

READ MORE:  MAREYKANKA: "Dowladda Soomaalida waxaa ka buuxa Kooxaha Al-Qaacida..!"

21-bishii May aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) uu shir jiraa’id uu ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland uu ku sheegtay in uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee Khaatumo isagoona sidoo kale si buuxda u taageeray dagaalka ay Puntland kula jirto Somaliland.

DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
Doodii Baarlamaanka: “R/W Kheyroow DEG DEG Isku Casil Sababtoo ah Eey annagu Dooni Meyno”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo dood xasaasi ah ka yeeshay Amniga dalka, ayaa ...
DHAGEYSO: Nin si xun Loogu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha
- Sep 17, 2018
AFrikada, Muqdisho: Nin da' ah ayaa waxaa maanta lagu dilay xaafada Suuqa Xoolaha ee ...
Magaalo ku taal Mareykanka Oo Duufaanno go’doomiyeen
- Sep 17, 2018
Afrikada, USA: Waxaa duufaanno darani ka soconayaan wadanka Mareykanka gobollo ka mid ah waxaana ...
Shirkii Loo Balansanaa La dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish Oo Baaqday Iyo Mas’uuliyiin Muhiim ah Oo HURDADA ka soo kici waayey?
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maanta oo Isniin ah kuna beegan 17/9/2018 ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ...
%d bloggers like this: