Xaasyahow Baro Qaabka Ugu fudud Ee aad ku kasban kartid kalgacalka Ninkaaga

Dareenka bulshadu isku qabto waxa uu qeyb ka yahay xasilloonida ummad kasta. Dareenka Qoyska haddii la kobciyana bulsho waliba waxa ka muuqanaya farxad iyo reyn reyn.

Waxaa aan marnaba muran gali karin in gabar kastaaba ay jeceshahay in uu saygeedu koolkooliyo ama la amaano, arinkan oo faa’iido u leh farxada iyo wanaaga lamaanaha nolosha wadaagaya, waxa hadalka dabacsan ee ninku xaaskiisa ugu roonaadaa kor u qaadaa kalsoonida xaaskiisa, waxa ay dareentaa in ay tahay in uu dunida ugu jecel yahay iyada.

Dhinaca kale hadii hadal quruxbadan ay ka waydo xaasku saygeeda waxa ka dhasha kala fogaanshiyaha lamaanaha iyo waliba guud ahaanba qoyska aayahiisa dambe.

Hadaba qaabka ugu wanaagsan uguna fudud ee ay gabadhu ku kasban karto kalgacalka iyo muxubbada ninkeeda ayay bahda Afrikada qodobbadan idiinku soo uruurisay:

Dareensii camalka wanaagsan ee uu qabto:
Qaab qurxoon ugu mahadnaq waxyaabaha aad jeclaatay ee uu kuu sameeyay.

Ugu roonow dhunkashada (Shumis):
Waxaad isku daydaa mar kaste oo aad fusad u hesho inaad ninkaaga dhunkato ka faaidaysato, waxaad arki doontaa midhaha arinkan mudo kooban.

READ MORE:  TOOS U DAAWO: Isbedellada DAYAXA Iyo Sida loogala Socdo Caalamka

U qurxi qolka hurdada:
Habeennada qaar u diyaar garee qolka hurdada qaab qurxoon, hadii ay suurto gal tahay filim wacan oo jacayl ah oo aad wada daawataan u daar.

Waydii nooca dharka hoosta laga xidho (Kastuumo) ee uu jecelyahay:
Hadii runta laga hadlo ninka dareenkiisu cirka ayuu isku shareeraa hadii uu arko xaaskiisa oo ku labisan maro uu jecelyahay, sidaa awgeed fursad u sii inuu kula dooro dookha uu ka helo.

Dhagta u saar hadal macaan oo cod hoose ku ladhan:
Adiga oo adeegsanaya weedhba weedha ay ka dabacsan tahay dhagta u saar, arinkan ayaa waxa uu ninkaaga ku beeraya dareen aan xuduud lahayn.

Marwo, dhammaan ragu waxa ay jecel yihiin in xaaskoogu u muujiso qadarin iyo kalgacal, ugu dadaal arrimahan iyo wax kaste oo wanaagsan, waxaad ka dheefi doontaan labadiinuba nolol farxad iyo jacayl badan.

DAAWO:Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 19/09/2018
- Sep 19, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo ...
Axmed Madoobe: “Madaxweyne Farmaajo Waa Argagixiso” WARXIBIN XASAASI AH.
- Sep 18, 2018
Afrikada, Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:Nin la dilay iyadoo ay fiirsanayaan BOOLISKA Degmada Kaaraan
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in la dilay mid ...
DHAGEYSO:Ma jiro Hal Xildhibaan Oo ka hadlay XAALADDA Degaankii laga soo Doortay ?
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa isa soo taraya xuuraansiga sida ay u hadleen xubnihii baarlamaanka federaalka. Dhammaan ...
DHAGEYSO:Khudbadihii QIIRADA LAHAA Ee looga Bartay R/W KHEYRE, “Ma Aqbaleyno Damaca Dowlad Goboleedyada?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ...
%d bloggers like this: