SAWIRO:Dowladda Federaalka Oo Xafiiskeeda Socdaalka ka furatay Balambale

Afrikada, Balambale: Dowladda federaalka ayaa xafiis ka furatay magaalada Balanbale ee ismaamulka Galmudug. Hey’adda socdaalka iyo jisniyadda ayaa sheegtay in la fulin doono howlaha la xiriira xuduudaha iyo eegidda waraaqaha ajnabiga ee degaannada xuduudaha.

Munaasabda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka degmada Balambale , shacabka degmada iyo saraakiil sare.

Waxaa ay dhamaantood sheegeen in baahi weyn loo qabay howlaha ay qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda isla markaana ay uga mahadcelinayan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in xafiiskan la furo.

Hay’adda socdaalka Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay ballaarisay shaqadda ay heyso bulshadda Soomaaliyeed, waxaana Xafiisyo loogu adeego bulshadda ay ka furatay meel badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay isa soo tarayey ajnabiga ku soo qulqulaya wadanka Soomaaliya iyaga oo u soo tahriibaya dalkeenna, tani ayaa muhiim ka dhigeysa in xafiisyada socdaalka jinsiyadda ee xuduudaha aad loo qalabeeyo si loo bixiyo waraaqaha dowladda isla amrkaasina dadka loo gaarsiiyo howlaha dowladda.

READ MORE:  Al-Shabaab Oo Ka Baxay Buundo-Araare & Ciidanka Dowladda Oo Qabsaday

Intaa ku daro oo, Soomaalida oo federaal ah hadana lama maqlo wasaarad bixisa adeegga isku xirka gobollada (federalism-ka ama dowlad wadaajinta sida Kenya ka jirta oo kale), tani oo muujineysa in adeegyada dowladda dhexe ay ajnabi ka yihiin gobollada dalka.

DAAWO SAWIRADA:

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Baarlamaanka Oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka golaha?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sharci dejiyeyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ...
DEG DEG: Toogasho ka dhacday Xarun uu booqanayey m/weyne Cabdiweli Gaas?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Boosaaso: Koox dabley ah ayaa weerartay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso. Warar ayaa ...
Prof Yahye Aamir: 7 kooxood ayaa Fulisa dilalka Muqdisho, anigu ma sheegi kari cida ay yihiin, dowladuna ma laha indho laga Baqo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay walaalkii ...
DAAWO Wararkii ugu dambeeyay iyo SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED Oo Tacsi U diray Qoyskii ninkii la Gubay?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka waramay dhacdadii ...
Siyaasi Caan ah oo kashifay sababta FARMAAJO uga tacsiyeyn waayey NINKII LAGU GUBAY Muqdisho?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli dadku xaqa iyo cadaaladda u kaceen ayaa afkiisu juuqda gabay madaweynaha ...
%d bloggers like this: