AKHRISO:Idaacadda Codka Mareykanka ‘VOA’ iyo Dowladda Soomaaliya Oo isku raacay in Uu geeriyooday Abuu Cubeyda

Afrikada, Muqdisho: Warar aanan si rasmi ah loo xaqiijin weli oo ay sii deysay idaacadda Codka Mareykanka ee VOA ayaa sheegaya in hogaamiyihii ururka Al-Shabaab Ahmed Diiriye (Abu Cubeyda) uu Isniinti aanu kasoo gudubnay ku geeriyooday Koofurta Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka sirdoonka Soomaaliya isla markaana ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa VOA-da u sheegay in Axmed Diiriye uu u dhintay xanuun dhinaca kilyaha ah.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in Abu Cubeyda uu ku geeriyooday meel ka mid ah Koofurta Soomaaliya galabnimadi Isniintii aanu soo dhaafnay taariikhdana ku beegneyd 25-ka bishan June.

Ma jirto war rasmi ah oo xaqiijinaya geerida Axmed Diiriye oo kasoo baxay ururka Al Shabab. Sidoo kale, Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin arrintan.

Axmed Diiriye (Abu Cubeyda) ayaa qabtay xilka hogaamiyaha Al Shabab, bishii December ee sannadki 2014-ki, kadib marki ay Dowlada Mareykanka duqeyn ku dishay hogaamiyihii isaga ka horreeyay Axmed Godane.

Badankoodba waayahan Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa hogaanka u haya idaacadaha reer Galbeedka sida VOA iyo BBC kuwaasi oo saxafiyiinta Soomaalidu aad u tixgeliyaan, ma jirto idaacad kale oo dhex dhexaad ah oo warkeeda markiiba la qaadan karo oo awoodda kula tartanta idaacadahaasi. Cadeynta warkani ayaa noqonaya mid laga sugi doono in ay aqbalaan kooxaha Al-Shabaab, tani oo markaasi macquul ka dhigi hadalka halka dhinac ee VOA-du sii deysay.

READ MORE:  DAAWO: Sheekh Xasaan Oo Si Xun U Weeraray Madaxweynaha Turkiga yirina: "Soomaaliyay ERDOGAN Waa GAAL Ee Iska Ilaaliya"

Mareykanka ayaa madaxa Axmed Diiriye dul dhigay lacag dhan 6 milyan oo dollar, waxaana la sheegayey muddooyinkii dambe in uu cudurka Kansarka qabey oo uu xanuun la ildarnaa.

Kooxaha Al-Shabaab ayaa gaashaanka ku dhuftay geerida laga soo sheegay Abuu Cubeyda, waxaana Al-Shabaab ay ku canaanatay dhinacyada ka soo horjeeda ee ay ka mid yihiin dowladda iyo xulufadeedu ay iclaaminta geerida Sheekh Abu Cubayda ku daboolayaan dekadihii La siiyey Itoobiya.

Hadalka Al-Shabaab soo saartay maanta ayaa lagu yiri: “Sheekh Abu Cubayda wuu noolyahay, wuuna caafimaad qabaa, waqtigii uu Allaah u qoray ayuuna dhiman doonaa, inta ka horeysana wuxuu cadowga Allaah ka hortaagnaan doonaa inay ajandayaashooda gurracan ka hirgeliyaan dhulka Soomaaliyeed ee Muslimka ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkan ka tirsan Al Shabaab.

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Baarlamaanka Oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka golaha?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sharci dejiyeyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ...
DEG DEG: Toogasho ka dhacday Xarun uu booqanayey m/weyne Cabdiweli Gaas?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Boosaaso: Koox dabley ah ayaa weerartay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso. Warar ayaa ...
Prof Yahye Aamir: 7 kooxood ayaa Fulisa dilalka Muqdisho, anigu ma sheegi kari cida ay yihiin, dowladuna ma laha indho laga Baqo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay walaalkii ...
DAAWO Wararkii ugu dambeeyay iyo SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED Oo Tacsi U diray Qoyskii ninkii la Gubay?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka waramay dhacdadii ...
Siyaasi Caan ah oo kashifay sababta FARMAAJO uga tacsiyeyn waayey NINKII LAGU GUBAY Muqdisho?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli dadku xaqa iyo cadaaladda u kaceen ayaa afkiisu juuqda gabay madaweynaha ...
%d bloggers like this: