Maxkamada Sare Mareykanka Oo Taageertay Xayiraaddii Trump Ku rogay dalalka Muslimiinta | Afrikada

Maxkamada Sare Mareykanka Oo Taageertay Xayiraaddii Trump Ku rogay dalalka Muslimiinta

Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa taageertay go’aankii maamulka Madaxwayne Tramp uu dalkaas uga mamnuucay inay soo galaan dadka ka soo jeeda wadamo dhawr ah oo Muslim ah.

Maxkamadaha hoose ee dalkaas ayaa go’aankaas hore is-ku hortaagay kuna tilmaamay mid ka hor imanaya dastuurka dalkaas, balse Maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa dib u dhigtay go’aankan, sheegtayna in loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo, waxana gu’aankaas taageeray 5 xubnood, halka 4na ay ka soo horjeesteen, sidaasna ay Maxkamada Sare ku meel marisay

Xayiraadda ayaa ka mamniicaysa dadka ka soo jeeda dalalka Iran, Liibiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen in ay soo galaan Maraykanka.

Go’aanka Mamuucida ah ayaa waxa dhaleeceeyay kooxaha qaxootiga iyo kooxaha xuquuqda aadanaha.

John Roberts oo kamid ah bahda Cadaalda ayaa sheegay in Xukuumadu ay soo bandhigtay dood macquul ah oo ku aadan go’aankeeda, iyada oo sheegtay in danaha dadka Maraykanka ah ay mudnaanta siisay Dawladu”

Muddo yar ka dib markii Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqday in go’aankaas uu saxsan yahay ayaa Madaxweynaha Donald Trump Trump waxa uu soo dhigay bartiisa Twitter qoraal kooban waxana uu yiri “

“Waaw Maxkamada Sare Waxay Taageertay Go’aankii Mamnuuca Dhinaca Safarka Ahaa”

Mr Trump iyo maamulkiisa ayaa dhawr goor wax ka badal ku sameeyay go’aankooda, waxana ay ka saareen dalalka Ciraaq iyo Chad liiska dalalka ay mamnuuceen muwaadiniintoodu inay America soo galaan.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->