Madaxweynaha Oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon

Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo ah 26-ka June waxa uu Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon ee Magalada Muqdisho.

Ka hor Ubax dhiga ayaa Madaxweyne Farmaajo markii tegay Taalada Daljirka ee degmada Boondheere waxa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska iyo kuwa Baanbeyda.

Hadal kooban oo uu goobta ka jeediyey Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu ku sheegay in Shacabka Soomaaliyeed doorkooda uu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay muhiimada Maalmaha Xurriyada, sida 26-ka June iyo 1-da Luulyo maadaama uu bilaawday Maalmaha todobaadka xuriyada.

Madaxweynaha ayaa xalay waxaa uu Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho uu uga qeyb galay xuska 26-ka June oo ku beegan markii Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay xurnimada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay shacabka Gobollada Waqooyi kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay ku lahaayeen gobonnimo doonkii iyo is-raacii Waqooyi iyo Koonfur.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenkaas midnimo iyo wada jireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen, wuxuuna adkeeyay in qabyaaladda iyo daneysiga looga adkaan karo in la muujiyo waddaniyad iyo wadajir.

DAAWO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Taliyihii Ciidammada Somaliland Oo U Gacan Galay Ciidammada dowladda Puntland
- Jul 20, 2018
Afrikada, Garoowe: Wararka ka imaanaya degaanka TUKARAQ ayaa sheegaya in jiidaha hore lagu arkay ...
DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’
- Jul 20, 2018
Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga ...
Kooxda Al-shabaab Oo Afduubteen Guddoomiyaal Degmo iyo Wiilal ay dhaleen
- Jul 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ka dhacday in Kooxda Al-shabaab ay ...
M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.
- Jul 19, 2018
Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo ...
Kuwait Oo martigelin doonta Shir Soomaaliya Looga Caawinayo dhanka Waxbarashada
- Jul 19, 2018
Afrikada, Kuwait:  Intii lagu jirey shirkii Brussels ayaa safiirka dowladda Kuwait ee Midowga Yurub, ...
%d bloggers like this: