Madaxda Galudug Oo Muqdisho u jooga Wadahadallo | Afrikada

Madaxda Galudug Oo Muqdisho u jooga Wadahadallo

Afrikada, Muqdisho: Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug sidda Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Sababata ay Muqdisho u yimaadeen ayaa waxa ay tahay sidii loo xalin lahaa Khilaafka ka taagan Madaxda Sare ee Galmudug.

Waxgarad kasoo jeedda maamulka Galmudug , dowladda dhexe iyo Beesha Caalamka ayaa garwadeen ka ah Wadahadalka u furmay Madaxda Galmudug sidda xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray Kulamo dhexmaray dhinacyadda dhexdhexaadinta Wadda sidda ay Shabakada Dayniile u xaqiijiyeen Wasiiro ka tirsan Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa doonaya in xal buuxa laga gaaro Khilaafka taagan,iyadoo aan lagu laaban doonin iskudarkii Galmudug iyo Ahlusunna.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa dhankooda waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xaaf uu sameystay Afar sano oo cusub oo uu hoggaamin doona Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horay ugu baaqay in Madaxda Galmudug ay yimaadaan Muqdisho si Khilaafkooda loo xaliyo.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->