Subscribe

DAAWO:Madaxwayne Gaas Oo hambalyo u diray Xornimada Gobollada Waqooyi 26-ka Juun

Afrikada, Garoowe: Hogaamiyaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ ayaa hambalyo u diray shacabka gobollada Waqooyi ee dalka sanadguuradii sanad guuradii 58 aad markii ay xuriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriska.

Waxaa sidoo kale uu hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda loogu dabaaldegayo maalintii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed.

Cabdiweli wuxuu sheegay inuu rajeynayo waqti aan fogeyn in Soomaaliya isku timaado, wuxuuna inta ku daray 26 June in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo dagaal sokeeye oo aan waxba la iskula harin uu dhex marayo dowladda Puntland iyo Somaliland, iyadoo labada hogaamiye ay shacabka u tahniyadeynayaan balse ficil ahaan dhiig ay ku daadinayaan degaanno aan waxba ka ogeyn qadiyadda hoose ee ka dhex jirta labada gobol.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

READ  DAAWO:Feysal Cali Waraabe Oo 'Yuhuud' ku tilmaamay Qofkii hadalkiisa Wax ka sheega

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: