Xildhibaanada Somaliland ka soo jeeda Oo Calaacal u gudbiyey dowladda

Afrikada, Muqdisho: Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ee fadhigoodu yahay golaha shacabka iyo kan Aqalka Sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii dowladda federaalka Soomaaliya ay hakiso deeqaha gargaarka ee Beesha Caalamka ay sida gaarka ah u siiso Somaliland., taasi oo dowladda federaalka la sii marsiiyo.

Xildhibaanadani waxaa ka mid ah senator Nuuro Faarax Jimcaale oo ka mid ah baarlamaanka Aqalka Sare waxaana ay wax laga xumaado ay tahay in maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ay isku raacaan in la jaro deeqaha la siiyo Somaliland.

“In maamul goboleedyada ay yiraahdaan Somaliland waa in laga joojiyaa wax allaale wixii caawimaad ah ee la siinayay taasi waxay keeneysaa cawaaqib xumo oo horseedi kara in Soomaaliya ay kala tagto, waxaan aaminsanahay in taasi ay tahay in la sii fogeynayo arrinta Somaliland, waxaan maamulada ugu baaqeynaa in arrimaha Somaliland ay faraha kala baxaan.” Ayay tiri xildhibaan Nuuro.

Xubnahanan ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan qorshe ay xukuumadda Soomaaliya wax kaga weydiinayaan arrintan, sida ay inoo sheegtay Senator Nuuro Cali Faarax.Qoraal ay shalay si wadajir ah u soo saareen Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa waxa ay ku taageereen go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku hakisay deeqihii la siin jiray Somaliland.

READ MORE:  Doodii Baarlamaanka: "R/W Kheyroow DEG DEG Isku Casil Sababtoo ah Eey annagu Dooni Meyno"

 

 

 

DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
Doodii Baarlamaanka: “R/W Kheyroow DEG DEG Isku Casil Sababtoo ah Eey annagu Dooni Meyno”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo dood xasaasi ah ka yeeshay Amniga dalka, ayaa ...
DHAGEYSO: Nin si xun Loogu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha
- Sep 17, 2018
AFrikada, Muqdisho: Nin da' ah ayaa waxaa maanta lagu dilay xaafada Suuqa Xoolaha ee ...
Magaalo ku taal Mareykanka Oo Duufaanno go’doomiyeen
- Sep 17, 2018
Afrikada, USA: Waxaa duufaanno darani ka soconayaan wadanka Mareykanka gobollo ka mid ah waxaana ...
Shirkii Loo Balansanaa La dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish Oo Baaqday Iyo Mas’uuliyiin Muhiim ah Oo HURDADA ka soo kici waayey?
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maanta oo Isniin ah kuna beegan 17/9/2018 ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ...
%d bloggers like this: