Nin lagu Qabtay isagoo Iibinaya Hilibka Bisadaha Oo 3 Sano xabsi ah lagu xukumay | Afrikada

Nin lagu Qabtay isagoo Iibinaya Hilibka Bisadaha Oo 3 Sano xabsi ah lagu xukumay

Nin lagu soo eedeeyay in uu iibinayey hilibka Mukulaasha isla markaasina ku dari jirey Saambuuska ayaa lagu xukumay 3 sano oo xarig ah. Maxkamad ku taalla magaalada Nakuru ee dalka Kenya ayaa ninkani lagu xukumay.

Garsoore Benard Mararo ayaa arrintani ku helay Mr James Mukangu Kimani kadib markii uu qirtay in uu galay dembi la xiriira in uu geystay fal-dembiyeed xilli uu ninkani ka soo hormuuqday maxkamadda maanta oo Isniin ah.

Mr Kimani ayaa lagu soo dacweeyay in uu gowraco mukulaalaha isla markaasina uu u soo iibgeeyo suuqyada isaga oo ka iibiyay macaamiil aan ka shakinin.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in uu gowrac ku sameeyay bisad si ay bani’aadamka u quutaan tani oo ka soo horjeeda sharciga cuntada, dawooyinka iyo walxaha kiimikaad ee dalka u yaalla.

Waxa sidoo kale loo heystaa dacwad ah in uu meel aan la garaneynin ku soo qalay xayawaan si aan waafaqsaneyn nidaamka gowraca ee dalka u yaalla.

Isaga oo is difaacaya ayaa uu Mr Kimani sheegay in uu soo diray qof isla markaana uu qaatay lacag badan si uu hilibka iyo maqaarkiisaba u sii iibiyo.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
Wasaarado ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo korontadii Laga Jartay
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xarumaha ilaa 7 Wasaaradadood ...
Banaanbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo
- Nov 13, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Banaan bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay ...
Dagaal Oromo iyo Soomaali ku dhex maraya degaanka Mooyaale, 7 Dhimasho, 13 Dhaawac
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya degmada Mooyaale waxa ay sheegayaan in ugu yaraan ...
AKHRISO SIRTA: Labo koox oo Al-Shabaab ah oo isaga horyimid Jubada Dhexe?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dagaal ayaa ka dhex qarxay qaar ka mid ah kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->