Jeneraal Gabre oo laga ceyriyay Shaqadkii ururka IGAD | Afrikada

Jeneraal Gabre oo laga ceyriyay Shaqadkii ururka IGAD

Afrikada, Addis Ababa: Waxaa goor dhoweyd shaqada laga fariisiyey Generaalka ruug cadaaga ah ee arrimaha Soomaaliya muddo dheer ku soo jirey Jeneraal Gabre Egziaber.

Col. Gabre ayaa laga eryay shaqadii uu ka hayay Urur Goboleedka IGAD, kadib qoraal ka soo baxay Xoghayaha Guud IGAD Maxbuub Macalin.

Gabre ayaa ahaa La Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD, kaasi oo xilkan loo magacaabay sanad ka hor.

Shaqo ka ceyrintiisa ayaa waxaa la daba dhigay warqad ogeysiis rasmi ah oo lagu caddeynayo in aanu wixii maanta ka dambeeya aanu shaqaale ka aheyn IGAD, isagoo lagu amray inuu wareejiyo xafiiska iyo wixii agab ee xafiiska ku howl galayay.

IGAD ayaa qoratay Gabre bishii Juun sanadkii 2017-kii. Tani oo ka dhigaysa in uu xilkaasi hayey muddo sanad ah.

Col. Gabre oo ah Sarkaal Itoobiyaan ah ayaa lagu xusuustaa sida uu galaan gal badan ugu lahaa sanadihii u dambeeyay arrimaha siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu horay uga tirsanaa Xafiiska Fududeynta Nabadgelyada iyo Dib u heshiisiinta IGAD ee Soomaaliya.

READ MORE:  DAAWO VIDEO:Soo Dhoweynta R/Wasaaraha Itoobiya Oo habsami Muqdisho uga Socota

Jeneraal Gabre ayaa qaadan jirey mushahar dhan $7015.63 (Todobo kun iyo shan iyo toban dhibic lixdan iyo saddex oo dollar).  Walow haatan shaqada laga ceyriyay.

 

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
UN Monitoring Group: “Dowladda Soomaaliya ma xakameyn karto hubkeeda, suuqyada ayaa lagu iibiyaa” WARBIXIN SANADEED.
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Warbixin dheer oo ay soo saareen Kooxda Qaramada Midoobey la socodka Cunaqabateynta ...
DHAGEYSO: Wasaarado Beeniyay in koronto laga goostay+Horta Isweydii Dowladdu ma bixisaa adeeg Koronto, Annagaa is deberna iwm?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Iyadoo laga jawaabayo koronto la'aan maanta laga soo weriyey wasaarado badan ...
DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->