Xuseen Caydiid: “Itoobiya Way U diiwaangashan tahay in Ay Dekadaheena la Wareegto” DHEGAYSO
Afrikada, Muqdisho: Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo mar soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeenka soomaaliya ahna wasiirka arrimaha gudaha xilligii dowladdii madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa ka hadlay qorshaha Itoobiya iyo dekadaha dalka, kaas oo uu sheegay in aysan aheyn wax cusub, isla markaana dhowr mar ay isku-dayday.
“Hadalka aan iri ee itoobiya iyo anaga hal dal ayaan noqonaynaa waxaan Soomaali ku tusinayay in nala qabsaday isla markiina waan is-casilay waxaana ka dagay Casmara, balse Soomaalidii shalay joogtay markaan la hadlay way garowsadeen wayna difaacdeen dalkooda kuwaanse maanta iyagaa laga rabaa in dalkooda difaacdaan” sidaasi waxaa sheegay Xuseen Aideed, waxa uu dhaliilay dadka maanta jooga in aysanba qorshaha ugu jirin in ay dal kale iska difaacaan.
HOOS KA DHAGEYSO CODAD:
Col. Xuseen ayaa sheegay in qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso in ay la wareegto dekado ka mid ah Soomaaliya uusan aheyn mid cusub isla markaasina ay u qorantahay in Dakadaheena la Wareegaan.
Hadalka Siyaasiga Xuseen Maxamed faarax Ceydiid ayaa ku soo aadayaa xilli dhaliil iyo shaki laga muujiyey heshiiskii 16kii Bishaan ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee ahaa in Itoobiya maalgashato 4 ka mid ah dekadaha Soomaaliya.
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<