DEG DEG: Recep Tayyip Erdogan Oo hogaaminaya Doorashooyinka Turkiga

Afrikada, Ankara: Doorashooyinka wadanka Turkiga ayaa waxaa saacadaha fiidnimo hogaanka u haya madaxweynaha wadankaasi Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Wararka ka imaanaya warbaahinta Turkiga ayaa sheegaya in madaxweyne Erdogan wato codadka 56% inta ilaa haatan la qaaday walow wali aysan codeyntu fari ka qodneyn. Dhanka kale xisbiga AK party ee Erdogan hogaamiyo ayaa iyagana hogaanka u haya baarlamaanka dalka.

 

Wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi ayaa isha ku heysa doorashada dalkaasi iyadoo la xiray dad badan oo ajnabi ahaa kuwaasi oo aan heysanin sharciga Turkiga iskuna dayayey in ay doorashada codeeyaan, dhanka kale waxaa bogaadiyey qaabka ay u socoto doorashada ra’isul wasaaraha dalkaasi Binali Yıldırım, ilaa saxafiyiin gaaraya 650 ayaa la qalabeeyay iyaga oo la siiyey goobo ay si toos ah iyo si dhowba ugala socdaan doorashada.

Ninka mucaaradka ah ee la tartamaya Muharrem İnce ayaa shoog iyo filanwaa la soo gudboonaaday kadib markii loo sheegay in degmadii uu ku dhashay dadkii ku noolaa ay taageereen Erdogan doorashooyinka baarlamaaniga iyo kuwa degaanka labadaba.

Turkida ayaa codadka ka soo dhiibaneysa wadammo tiradoodu dhan tahay 60 wadan oo daafaha caalamka ah iyo safaaradood iyo Qunsuliyadood kuwaasi oo la tirinayo xitaa iyadoo doorashooyinka guduhu ay socdaan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Weriye Yoonis Cali Nuur Oo ku geeriyooday London
- Jul 20, 2018
Afrikada, London: Wariye Yonis Cali Nuur oo muddo ku dhaw 30 sano u ...
DAAWO: Taliyihii Ciidammada Somaliland Oo U Gacan Galay Ciidammada dowladda Puntland
- Jul 20, 2018
Afrikada, Garoowe: Wararka ka imaanaya degaanka TUKARAQ ayaa sheegaya in jiidaha hore lagu arkay ...
DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’
- Jul 20, 2018
Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga ...
Kooxda Al-shabaab Oo Afduubteen Guddoomiyaal Degmo iyo Wiilal ay dhaleen
- Jul 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ka dhacday in Kooxda Al-shabaab ay ...
M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.
- Jul 19, 2018
Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo ...
%d bloggers like this: