Madaxweynaha Zimbabwe Oo Qarax Ka badbaaday | Afrikada

Madaxweynaha Zimbabwe Oo Qarax Ka badbaaday

Afrikada, Bulawayo: Madaxweynaha wadanka Zimbabwe Emannuel Mnangagwa ayaa qarax lala eegtay goob uu khudbad uga jeedinayey, goobta qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay shir dibadbax ah ku lahaayeen taageerayaasha xisbiga talada haya ee ZANU-PF.

Banaanbaxa uu madaxweynuhu ka qudbeynayay ayaa ka dhacay goob garoon ciyaaraha ah oo taal caasimada labaad ee dalkaasi Zimbabwe ee Bulawayo.

Afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegay in aysan waxba soo gaarin madaxweynaha. Qaraxa ayaa ka dhacay fagaare la uu madxweynuh khudbad ka jeedinayey isugu soo baxay oo uu madaxweynuhu ka khudbeynaayay.

“Madaxweynaha ayaa meesha laga saaray. Wuxuu iminka ku sugan yahay madaxtooyada.’” sidaasi waxaa warfidiyeenka u sheegay afhayeenkiisa madaxtooyada George Charamba.

Dalkaasi waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed iyadoo la filayo in 30-ka bisha dambe in ay doorasho madaxweyne ay ka dhacdo dalkaasi.

Waxay noqoneysaa doorashadii ugu horeysa laga soo bilaabo markii dabayaaqadii sanadkii tagay xilka laga qaaday Robert Mugabe oo ka talinaayay muddo dheer. Muddo kusiman 37 sano ayaa uu dalkaasi kasoo talinaayay Mugabe laakiin xisbul xaakimka Zanu PF iyo militariga dalkaasi ayaa ka qasbay xukunka kadib markii uu duqoobay.

READ MORE:  Madaxweynaha Itoobiya Oo Qorsheystay in uu is-casilo

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->