M/Weyne Farmaajo Oo ka tacsiyeeyay Qaraxii ka dhacay Addis Ababa

Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha famhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay weerarkii qarax ee maanta ka dhacay isu-soobax uu ka qeybgalayay r/wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed kaas oo ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka u dhigay sidatan: “Waxan si adag u cambaareynayaa qaraxii maanta lagula beegsday dadkii kasoo qeyb galay isu soo bixii lagu taageerayay RW Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Horumarka Ethiopia iyo midka gobolka ma aha mid lagu hor istaagi karo argagixin iyo fowdo.”

Qaraxan oo loo adeegsaday bom gacmeed ayaa waxaa uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana tirada dhaawucu marayaa in ka badan 150, halka dhimashaduna la sheegay in ay tahay 4 ruux.

READ MORE:  DAAWO: Wasiir Uu Soo diray Axmed Madoobe Oo isha Dhagax looga Dhuftay+Naga Tag Dowlad-Diidyahow?

Cambaareyn iyo tacsiyeyn la mid ah tan madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sidoo kale diray madaxda wadamada IGAD.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Baarlamaanka Oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka golaha?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sharci dejiyeyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ...
DEG DEG: Toogasho ka dhacday Xarun uu booqanayey m/weyne Cabdiweli Gaas?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Boosaaso: Koox dabley ah ayaa weerartay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso. Warar ayaa ...
Prof Yahye Aamir: 7 kooxood ayaa Fulisa dilalka Muqdisho, anigu ma sheegi kari cida ay yihiin, dowladuna ma laha indho laga Baqo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay walaalkii ...
DAAWO Wararkii ugu dambeeyay iyo SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED Oo Tacsi U diray Qoyskii ninkii la Gubay?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka waramay dhacdadii ...
Siyaasi Caan ah oo kashifay sababta FARMAAJO uga tacsiyeyn waayey NINKII LAGU GUBAY Muqdisho?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli dadku xaqa iyo cadaaladda u kaceen ayaa afkiisu juuqda gabay madaweynaha ...
%d bloggers like this: