DEG DEG: Markab ay soo direen Imaaraadka Carabta oo ku soo xirtay Dekedda Kismaayo | Afrikada

DEG DEG: Markab ay soo direen Imaaraadka Carabta oo ku soo xirtay Dekedda Kismaayo

Afrikada, Kismaayo: Isu tagga Imaaraadka Carbeed ayaa markab sida shixnad Raashin Kaalmo ah u diray maamulka Jubaland caasimadiisa Kismaayo.

Dekedda Kismaayo ayaa lagu arkay markabkani waxaana laga cabsi qabaa in uu hub culus iyo saanad milleteri u sido hogaamiyaha Jubaland Axmed Islaan Madoobe, hase ahaatee wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in markabku sido deeq samofal ah.

Markabka Samafalka ayaa la sheegay inuu wado Shixnad cunto oo rarkeedu dhan yahay 824 Tan.

Lama oga sababta raashin deeq ah oo intaa le’eg looga dejiyay Kismaayo xilli aan laga jawaabeynin abaaro ama macluul daran.

Waana Markabkii ugu horreysey ee ku soo xirta magaalladda Kismaayo, tan iyo wixii ka dambeeyey Khilaafka Khaliijka ee ay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda ku kala qeybsameen.

Axmed Islaan ayaa isagu aad ugu riyaaqay in la taageero Imaaraadka walow uu ahaa qunyar socod badankeed ka aamusnaa arrimahan.

READ MORE:  Theresa May oo si yaab leh u tiri: "Waa la wada Ogyahay in aan Annagu HITLER ka xoreynay gumeysigii uu ku haystay YURUB oo dhan"

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO: Dhexdhexaadin laga dhex wado kooxaha Al Shabaab Iyo Mas’uuliyiinta Beled-Xaawo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladda amnigu ay ...
DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->