DAAWO:Khudbaddii maanta M/weynaha Puntlan ka hor jeediyay Baarlamaanka Puntland | Afrikada

DAAWO:Khudbaddii maanta M/weynaha Puntlan ka hor jeediyay Baarlamaanka Puntland

Afrikada, Garoowe: Akhristeyaasheena sharafta leh waxaan idiin soo gudbineynaa khudbaddii maanta madaxweynaha Puntland uu ka jeediyay baarlamaanka dowladda Puntland. HOOS KA AKHRISO KHUDBADDA OO QORAAL AH.

Mudanayaal, Maanta waxaan ku jirnaa dagaal, mana aha dagaalkaan la ina kusoo qaaday mid la mid ah kuwii aan horey ku geli-jirnay, waa mid saameyn ku leh diinteena, dalkeena, jiritaankeena iyo Dawladnimadeena, waa dagaal dhaafay Anshaxa suuban, Soomaalinimada iyo jaarnimadii Soomaalida lagu yiqiin, waa dagaal salka ku haya been,Argagixiso iyo Isir-nacayb.

Mudanayaal, Gobolka Sool maaha meel kawada dhaxaysa SL iyo PL, Gobolka Sool maaha gobol aan la garanayn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheeganayso, Gobolka Sool maaha weel lagu dawarsado oo Hargeyso Mushaar looga raadsado, Gobolka Sool maaha meel uu ilaahay u qoray in shacabkeedu ilmadu gobo’leyso oo aduunku daawado, Gobolka Sool maaha Shandadd inta diyaarad lala raaco Ictiraaf lagu raadsado oo lagu baryo-tago, Gobolka Sool Dhul iyo Dad-ba waa reer Puntland waxaana laga xoreynaa cadowgu dul-hoganaya, waxaana u sheegayaa Shacabka Gobolka Sool kuma noolaan doontaan colaad, ciilqab iyo xabsiga Maamulka Hargeysa haddii Alle idmo.

READ MORE:  DHAGEYSO: Jawiga Koonfurta gobolka Sool oo maanta degan

HALKA HOOSE KA DAAWO VIDEO:

Sidoo kale waxaan u sheegayaa shacabweynaha Puntland, Tan iyo markii Laascaanood la qabsaday reer Sool waxay ku jireen dulinimo, caga-jugleyn, isku dir iyo dil joogto ah, maantana waxaa loogu daray cuburin, xabsi joogto ah iyo in la yiraahdo dalka malihidin ee iska guura, sidaa darteed waxaa la idin ka doonayaa inaad garab istaagtaan qorshaha soo celin Gobolka Sool ee ay Dawladdu wado.

Shacabka Puntland waxay Dawladdu u sheegaysaa inaad u hiilisaan walaalihiin reer Sool, lana garab istaagtaan Naf iyo Maal-ba, sidoo kale waa inaad ogaataan Abaalka aad maanta dhigataan inuu noqon-doono kayd idiin yaal kumanaan sanno oo socda.

Muuse Biixi waxaan leeyahay, “ Xaashaa lilaahiye beenta waa, laga xishoodaa“ wada-hadal ayaan Federaal la galayaa intaan Puntland soo weeraro, xuduud ayaan soo xirayaa, Ictiraaf –baan doonayaa horaa loo yiri “ Afkaa jeexan baa loo hadlaa iyo saa iriye, Kala aragnay tuugaa ordaayiyo eeda kii falaye”.

Muuse Biixi wuxuu ku doodayaa Ingiriis ayaa Gobolka Sool nasiiyay, waxaan u sheegaynaa Ingiriis dhulkaan malaha, wuxuu ahaa gumeyste maalmo joogay oo aan iska xoreynay, kumanaan Daraawiish ah iyo Soomaali kale ayaa dhiigooda u huray Naftoodana u hibeeyey si ay iskaga xoreeyaan heeryadaas gumeysiga.

READ MORE:  Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)

Haddaba, Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis uu dhul kusiinayo Laascaanood maaha London, Xuduna maaha Birmingham, Taleex-na maaha Cardiff.

Shacabka Soomaaliland Dawladda Puntland waxay u caddeynaysaa inay ula diyaar nahay walaaltinimo, daris wanaag iyo wada-noolaasho buuxda, waxaana na-farax gelinaya sharaftiina iyo karaamadiina,

Shacabka Soomaaliland waxaan u sheegaynaa Muuse Biixi Puntland dhibaato kuma hayo, laakiin dibindaabyada uu Soomaaliland ku hayo ha laka badbaadiyo horaa loo yiri “ Doqoni walaalkeed ayey u daab weyn tahay”, ee dhibaatada uu idinku hayo iska badbaadiya.

Ugu Danbeyntii: Dawladda Puntland waxay aqoonsan tahay xuduudii ay Dawladdii Soomaaliya u kala sameysay Gobolada Togdheer iyo Sool, haddii ay wax ka qaldan yihiin waxaan kala hadlaynaa cidkasta oo samadoon ah, laakiin Gobolka Sool iyo Gobolka Nugaal dhexdooda cidii wadahadal ka doonaysa dee waxaan ku leenahay “ Af aadan lahayn aamus lama yiraahdo” beentaas yaan waqti la iskaga qaadin Laascaanood iyo Garoowe xuduud Makala yeelan-doonaan taa hala ogaado.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

Waxaan u Mahadcelinyaa dhammaan Golaha Wakiilada, waxaanna u rajeynayaa in kal-fadhigaan uu noqdo mid meel mariya Agendeyaasha iyo shaqooyinka horyaalla kuna dhamaada guul, waxaana si rasmiya ugu dhawaaqayaa in kal-fadhigii 41-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uu furan yahay.

READ MORE:  Dagaaalamayaal ka tirsanaa Al-shabaab Oo isku Soo Dhiibay AMISOM

Allaa Mahad leh

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Madaxweynaha Dawladda Puntland.

 

 

HALKA HOOSE KA DAAWO VIDEO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->