SAWIRO: Dareen ka Dhashay Xaaska Trump Oo Xiratay Jaakad ay ku Qoran Tahay? MAXAA IGA GALAY? ama I REALLY DON’T CARE? Xilli ay booqaneysay Xarun Carruurta Muhaajiriinta ee ku xaniban Xuduudka Mexico?

Melania Trump oo ah xaaska Madaxweyne Donald Trump ayaa adduunyadii Oo idil Ciil ka keentay, hal mar ayaa baraha bulshada la wada kacay, iyadoo la isweydiinayo ‘Sababta ay fariinta noocan ah u direyso,’ Melania ayaa Khamiista booqaneysay meesha lagu hayo carruurta laga reebay waalidkood tani oo ayaantan la isku haystay iyadoo m/weynaha Mareykanku amar ku bixiyey in waalidka iyo carruurta la kala reebi doono. Iyadoo murankaaso dowladda Ka dhex jiro ayaa Melania Trump xiratay jaakad weyn oo ay gadaal uga qoran tahay ‘I REALLY DON’T CARE’ DO U? oo macnaheedu yahay aniga xaqiiqdii waxba igama gelin, adiguna ma u jixin jixeysaa?

Markii ay diyaaradii qaadi laheyd ay jarajarteeda sii koreysay ayaa joornaaliisteyaashu su’aalo ka daba tuureen, waxaana ay weydiiyeen ‘Haddii aad booqaneyso Carruur ay xaaladooda su’aal ka taagan tahay, maxaad fariintan jaakadda kuugu qoran u direysaa?’

Carruurta su’aashu ka taagan tahay ayaa lagu aruuriyay xarun wayn oo ku taalla xuduudka gobolka Texas.

48 jirka marwada koowaad ka ah Mareykanka ayaa la sawiray xilli ay timid gegida Andrews Air Force Base ee gobolka Maryland iyada oo ku lebisnayd jaakada 39-ka doolar joogta ee Kaakiga ah tani oo xaqiiqdii dunida kaga fajicisay sida ay u direyso fariinta fekerka ninkeedu ka qabo carruurtaasi loo diiday in ay la haajiraan waalidkood.

READ MORE:  DAAWO: Shacabka Soomaaliyeed Oo la Daalaa-dhacaya Dhismaha Tiyaaterkii Qaranka

Melania ayaa jaakadda muranka dhalisay oo dhabarkeeda oo dhan lagu xardhay “Runtii aniga maxaa iiga Gidhiish ah” waxaase markii ay ka degtay diyaaradda ay ku lebisatay Shaar kareemi ah oo uu u xulay stylis-taha ay wada shaqeeyaan ee Hervé Pierre.

Lama oga in uu qof wacay oo uu arrintan dareenkeeda u sharaxay,lamase ogsoona in ay iyadu jaakadani si kas ah ugu soo lebisatay.

Waxaase la ogsoon yahay in ay aalasba safarada dharka kala bedelato.

Si kastoo xaalku ahaadaba, waxaa shucuurta jaakadda Melania ku soo lebisatay ay markiiba caalamka oo dhan u dirtay ujeedada safarkeeda oo ay wadamo badan ku niyad jebineysay, gaar ahaa dunida idilkeed ku tiirsan u haajiritaanka Mareykanka.

Majaladda DailyMail ayaa ku warantay in dad arkayey jaakadda ay markiiba aaladda Twitterka geliyeen safarka Melania iyo jaakadda ay xiratay, iyagoo dadka qaar uga faaiideysteen in dhirbaaxo ku dhiftaan ‘caqli xumadeeda’ ay u dalbatay in ay lebis fariin ugu qorto muhaajiriin weliba carruur ah oo waalidiintooda lagu amray in aysan is arki karinin, dad kale oo badan ayaa qiray in Melania ay tahay Trump-tii daacadda aheyd ayna ugu talo gashay in si toos ah shucuurta Aqalka Cad ay dadweynaha ugu gudbiso.

READ MORE:  Warbaahinta W/Kuuriya Oo sii daysay Video aan hore loo daawan oo Trump iyo Kim yeesheen

Xaaska Trump kuma cusba in ay halku dhegyo ku qorato dharka ay xirato, waxayna hore u soo xiray ereyada ‘What are you waiting for? Impeach this moron!’ Iyo ereyga ‘Don’t let them eat cake, give it to me,’ kuwaasi oo baraha bulshada lagu fasiro mar waliba.

Mar lebiskaan wax laga weydiiyay afhayeenka gaarka ah ee Melania,Stephanie Grisham, waxa uu inkiray in marwada koowaad aysan wax ujeedo qarsoon ah ka laheyn xirashada jaakada.



Afhayeenka ayaa ka digay in aan warkan la buunbuunin si la mid ah sidii dhacday sanadkii hore bishii Agoosto markaasi oo Melania dadku ku maadeysteen xilli ay kabo dhaadheer soo xiratay si ay u booqato goobihii ay burburisay duufaantii ‘Hurricane Harvey’ tani oo dirtay fariin muujineysa in ‘Qof Dharagsani uusan Waxba ka ogayn Qof macluulsan’ iyaduna xilli laga filayey in ay biyaha lugaha gelinayso ay soo qaadatay kabo dhaadheer, oo muran badan ka dhex dhaliyay bulshada.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Al-Shabaab Oo ku Sii Qulqulaya Degmooyin ka tirsan Galgaduud
- Sep 21, 2018
Afrikada, Galgaduud: Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo aad u hubeysan oo ka ...
WAR DEG DEG AH:Gabar kale oo ardayad ah Oo inta JAAMACAD Loogu Galay madaxa laga toogtay?
- Sep 21, 2018
Afrikada, Muqdisho: Warar haatan ina soo gaaraya ayaa sheegaya in gudaha jaamacadda Soomaaliya ee ...
Wufuuda Golaha Aqalka Sare oo Kismaayo Kula Kulmay Odayaasha Dhaqanka Iyo Haweenka
- Sep 21, 2018
Afrikada, Jubaland: Madaxda ka socota golaha aqalka sare ee dowladda federaalka ayaa gaaray magaalada ...
AKHRISO SIRTA ku jirta Soomidda maalinta Yowmul Cashuuraa Ee bisha Muxaram?
- Sep 21, 2018
Afrikada, Nairobi:  Maalmaha Ilaahay s.w.t. ee billowga sannadka Hijriyada ee Ilaahay s.w.t. barakeeyay, waxaa kamid ...
DHAGEYSO: Dagaal culus Oo ka dhacay Faafax-Dhuun
- Sep 20, 2018
Afrikada, Jubaland: Dagaal culus caawa ka dhacay meel u dhow degaanka Faafax-dhuun oo ...
%d bloggers like this: