DHAGEYSO:Somaliland Oo soo Jawaabtay “Walee Reer Koonfur Nabad Ma rabaan, Amniga Diyaaradaha aan aragno Bedqabka Hawada Sida uu Noqdo”

Afrikada, Hargeysa: War jawaab ah oo ku socda hey’adda duulista hawada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Somaliland aysan dheg jalaq u siineynin warka ka soo yeedhay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya mudane Oomaar.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Warkan jawaabta ah oo uu shaaca ka qaaday wasiirka wasaarada gaadiidka iyo horumarinta wadooyinka ee jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland mudane Cabdullaahi Abokor Cismaan ayaa waxaa uu ka hadlay maamulka hawada ee lagu wareejiyey dowlada federaalka Soomaaliya. Wasiir Abokor ayaa sheegay in ka Somaliland ahaan ay mar kasta diyaar u ahaayen in qaab is afgarad leh ay labada dhinac ‘Somaliland iyo Soomaaliya’ u wada maamulaan Hawada.

Balse waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan arrinkaasi diyaar u ahayn isla markaasina ay baal martay, waxaana uu sheegay dhankooda ka Somaliland ahaan in ay qaadi doonaan talaabooyinka kaga aadan arrintani ku saabsan hawada:

Wasiirka Gaadiidka iyo wadooyinka Somaliland mudane Cabdullaahi Abokor Cismaan ayaa tilmaamay in kulankii ugu danbeeyay uu ka dhacay Nairobi isaga oo sheegay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay si fiican isku afgarteen labada dhinac. Isaga oo hadalkiisa ku soo geba gebeeyay: “Laakiin nimankaasi niman diyaar u ah maaha, inaguna kolay waxaynu ku khasbanaanaynaa wixii inoo banaan, wixii inoo banaan in aynu yeelno.”

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Weriye Yoonis Cali Nuur Oo ku geeriyooday London
- Jul 20, 2018
Afrikada, London: Wariye Yonis Cali Nuur oo muddo ku dhaw 30 sano u ...
DAAWO: Taliyihii Ciidammada Somaliland Oo U Gacan Galay Ciidammada dowladda Puntland
- Jul 20, 2018
Afrikada, Garoowe: Wararka ka imaanaya degaanka TUKARAQ ayaa sheegaya in jiidaha hore lagu arkay ...
DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’
- Jul 20, 2018
Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga ...
Kooxda Al-shabaab Oo Afduubteen Guddoomiyaal Degmo iyo Wiilal ay dhaleen
- Jul 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ka dhacday in Kooxda Al-shabaab ay ...
M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.
- Jul 19, 2018
Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo ...
%d bloggers like this: