DHAGEYSO:”Somaliland Hawadeeda ma maamulan doonto+Muqdisho ayaa hawada laga maamulayaa..” | Afrikada

DHAGEYSO:”Somaliland Hawadeeda ma maamulan doonto+Muqdisho ayaa hawada laga maamulayaa..”

Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar oo ah wasiirka wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan dhici doonin in hawada Soomaaliya laga maamulo meel kale.

Waxa uu wasiirku sheegay in caasimadda Muqdisho ay tahay halka laga maamulayo dhamaan hawada dalka Soomaaliya.

HALKA HOOSE KA DHAGAYSO:

C/laahi Salaad ayaa yiri: “Si la mid ah sida diyaaradaha ay u dul maraan Puntland, Jubaland, Koofur Galbeed oo kale ayey Soomaalilandne la mid tahay.” WAsiirka duulista hawada ayaa intaasi raaciyey in hawada Somaaliland ay tahay hawo ay hey’adda duulistu maamusho, hey’adana fadhigeedu haatan yahay Muqdisho, isaga oo cadeeyay in dakhliga ka dowladda ka soo gala hawada haatan loo fadhiyo qorshihii Somaliland iyo Somalia ku qeybsan lahaayeen.

Marka loo eego dadka odorossa siyaasadda federaalka ayaa waxaa arrintan ka imaan karta in gobollada kalena ay qeylo-dhaamiyaan iyaga oo hey’adda socdaalka ku eedeeyn kara in ay lacago u qoondeysay gobolka goonida isu taagay ee Somaliland, lacagahaasi oo ay gobolladuna saamigooda rabaan in la siiyo.

READ MORE:  FAAH-FAAHIN; Dhimashada qaraxyadii Baydhabo oo korortay?

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->