SAWIRO: Nin Dembiile Mareykan ah Oo Xalay ku guursaday Garoowe | Afrikada

SAWIRO: Nin Dembiile Mareykan ah Oo Xalay ku guursaday Garoowe

Afrikada,Garoowe: Nin dembiyo ka soo galay Mareykanka ayaa ku aqal galay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Xilli aysan Soomaalidu heysan baaritaanno caalami ah ama heer baaris dembi ayaa waxaa soo badanaya dadka dembiyada ka soo gala dalalkooda, una yimaada geeska Afrika in ay ku badbaadaan (safe haven) welibana ay cidey rabaa guursadaan kuna raaxeystaan si ay wehel iyo cid difaacda u helaan.

Sawiro ayaa laga soo qaaday arooska wiil u dhashay dalka Maraykanka oo horey maxkamadi ugu xukuntay dambiyo waaweyn iyo gabar Soomaali ah oo haatan arooskoodu ka dhacay magaalada Garoowe.

Maxkamad ku taal dalka Maraykanka gaar ahaan degmada Western Washington County ayaa dambiyo (gacan ku dhiiglenimo) ku heshay Scott Brandon Clem kadib markii ay rasaas ka dhacday xero lagu magacaabo Browns Camp oo uu ku sugnaa xiliga uu dilku ka dhacayey.

Dhibanaha rasaasta ay haleeshay oo lagu magacaabo Robinson ayaa sheegay in Scott Brandon uu magaciisa ugu wacay kadibna uu rasaas ooda uga qaaday waxaana markhaatiyaashu ku marqaati kaceen inuu Brandon ahaa ninkii dhaawaca geystay.

READ MORE:  Jeneraal Indho-Qarshe Oo Garka Iyo Jilbaha Qabsaday Kooxda Al-Shabaab "Waan Idin Baryeynaa naga daaya Dagaalka, Xabadiinu Waa kulushahay.."

Sidoo kale maxkamadda ninkani soo xukuntay ayaa ku soo oogatay inuu isticmaalay hub sharci daro ah wuxuna madashii ka qirtay in uu galay labada dambi sidaasna ay maxkamadu ay ugu xuntay shan sano iyo 10 bilood oo xabsi ah waxaan xabsigaaas soo raaca laguna amray in uu bixiyo lacag dhan $600 kun oo dollar, sidoo kale lacagtii isbitaalka dadkii uu dhaawacay ayaa lagu ganaaxay in uu bixiyo $224,000 isbitaalka lacagta la siinayo ayaa lagu magaabaa ‘Veterans Affairs Medical Center.’

Scott Brandon oo hadda wata magaca Yaasin ayaa xalay aqal galkiisi labaad ku galay magaalada garoowe ee caasimada dowlada Puntland, waxayna dadka magaalada uga dhignayda wax iska caadi sababto ah Yaasin Brandon ma aheyn nin sheekadiisa la wada hayo ama ay hubisay wasaaradda arrimaha gudaha ee ku shaqada leh arrimaha socdaalka gudaha.
RIIX HALKAN EEG WARGEYS ARRINTAN QORAY:

Waxaa lama huraan ah in ay wasaaadda arrimaha gudaha qaadato doorkeedii muhiimka ahaa iyo in la hubiyo ajnabiga dalka soo galay in ay yihin dad aan dalkoodii wax dhib ah ka soo galin markaas kadibna loo fasaxo inuu gudaha dalka u gali karo laakine waxaa meesha ka muuqta in ay wasaradu shaqadeedii ay ka soo bixi wayday.

READ MORE:  DAAWO:M/weynaha Somaliland Oo cafiyey 500 maxaabiis ah

DAAWO SAWIRADA:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->