M/Weynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Soo bandhigay Talo lagu xalin karo Colaadda TUKARAQ

Afrikada, Muqdisho: Xilli adag oo Soomaaliya ay ku jirto dhibaatin is deberid la’aan dhaqaale, abaaro, fatahaad iyo dagaallo sokeeye ayaa waxaa mar kale gobollada dhanka Waqooyi ee dalka ka soo cusboonaaday dagaallo beeleedyo aan sidaa u sii macno badneyn.

Ma jirto faragelin iyo awood ay leeyihiin kuwa dowladnimada federaalka ku kala qeybiyay gobollada dalka, mana jirto nidaam ay gobolladaasi u bandhigeen.

Mar kale ayaa dhanka cadowga dibadda iyo gaalada loo weecan karaa haddii beelaha Soomaalidu ay joojin waayaan barakacinta baahsan ee shacabka, sababtoo ah adduunweynaha ayaa ka daalay Soomaalida sii socodkeeda iyo soo socodkeeda waxaana daw noqon karta in Itoobiya la doorbido markale in ay edeb u yeesho kuwa dadweynaha isku diraya ee hogaamiye goboleedyada isku sheega, kuwaasi waxa ay hubeynayaan, lacago siinayaan, isla markaasina hurinayaan colaadaha gobollada ay ka taliyaan, iyadoo maamul gobolleedyada Waqooyiga dalka ay arrintaasi haatan ku mashquulsan yihiin Ethipia ayaa kor uga baaqday, balse waa ay isdhega tirayaan weli, Itoobiya waa khuwadda gobolkan Bariga Afrika ugu tunka weyn, walow cadowtooyo hore noo diidayso in ay noo yimaadaan, haddana shaki kuma jiro in ay xal waara iyo dowladnimo kala dambeyn leh dalka ka abuuri karaan, si la mid ah sida ay u tabantaabiyeen dowladda maanta jirta oo ay Muqdisho ku geeyeen qoriga caaradiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ayaa soo jeediyay talooyin cusub oo uu sheegay in ay maanta daw u yihiin kuwa diriraya, waxaana hadalkiisa maanta soo baxay ka mid ahaa:

Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan.

Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah “HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWEYN KARIN”

Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.

Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.

In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:

1. Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.
2. In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.

3. Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah o oka dhaca TUKARRAQ lafteeda

4. Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN

5. Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:

“WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.

— DHAMMAAD —


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (1)

  1. Abdulaziz Hassan says:

    Sideedaba NABADU waa furaha nolosha ee bulsho kasta.
    Waxa su’aala yaa wada ama raba colaad?
    Waa maamulka Majerteniya oo dabada ku haya Dawlada Federalka ah ee Somaliya.

    Ma Jiro mar keliya oo ay Somaliland weerar qaaday haba yaraatee waxa se ay ku jirtaa Difaac mar kasta.




DAAWO SAWIRADA: Al-Shabaab Oo Hadiyad Gudoonsiisay Oday Dhaqameedyo, mideysayna Qabaa’il dega meelaha ay ka taliyaan?
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wararka inaga soo gaaraya gobollada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ...
Wasiir C/risaaq: “Dowladdu Ma Gaarsiisna Heerkii La rabey, Waa Sii baaba’aynaa Ee aan Wada hadal la galno Al-Shabaab..?”
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed hadana ah mudane ka ...
Shacabka Muqdisho Oo dareemaya In aysan iyagu laheyn “Dhulka ay u Dhasheen” Maxaa ka maqan Reer Muqdisho Oo ay u Degi la’yihiin???
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dadka reer Muqdisho oo lagu tilmaamo in ay yihiin "madaxii wadanka" ayaa ...
AKHRISO: Midowga Yurub Oo DegDeg U Bixiyeen Lacago intuusan Shirka Brussels ku bilaabmin
- Jul 16, 2018
Afrikada, Brussels: Waxaa Midowga Yurub ay khasnadahooda ka soo faqeen malaayiin doolar oo laga ...
DAAWO: Hal Arrin Oo ay Al-Shabaab Si Xun Uga Naxeen Oo Muqdisho Ka Dhacday
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Hal arrin oo cabsi galisay dad badan ayaa ka dhacday Muqdisho. Waxaana ...
%d bloggers like this: