Koofiyad Dagaalyahankii ‘Napeleone Bonabarte’ Uu ku tuuray dagaalkii Waterloo Oo lagu Xaraashay 350 milyan | Afrikada

Koofiyad Dagaalyahankii ‘Napeleone Bonabarte’ Uu ku tuuray dagaalkii Waterloo Oo lagu Xaraashay 350 milyan

Koofiyad ciidan oo la rumeysan yahay in uu xirnaa Boqor Napeleon Bonabarte xilligii dagaalkii ‘Waterloo’ ayaa lagu iibiyey 350,000 lacagta Ingiriiska ah maalinimadii Isniintii aynu soo dhaafnay.

Qiimahani la iibiyay koofiyadda ayaa muujiyay sida weli loo xiiseeynayo agabkii iyo macluumaadkii uu ka tegay boqorku.

Waxaa sidoo kale aad loo muujiyay jaceyl loo qabo wax kasta oo boqorkaasi ku saabsan iyo sheekooyinkiisa taariikhda.

Qiimihii ugu dambeeyay ee koofiyadda ‘bicorne’ ayaa ugu dambeyntii lagu kala iibsaday €30,000 ilaa €40,000 koofiyaddani oo lagu magaabey oo ‘bicorne’ ayaa Napeleone waxa uu ka xiran jirey labada dhinac,  hore iyo gadaal waxaana cadowgu ku garan jireen koofiyadaas in waxa dagaalka hogaaminaya uu yahay boqor Napeleone Bonabarte.

Sidoo kale sababta koofiyadda 2da dhinac looga xiray ayaa ah calaamad isaga u gaar aheyd xilliga dagaalada.

Lama shaacin aqoonsiga qofka koofiyadda iibsaday.

Taariikhyannada ayaa aaminsan in koofiyaddani qaaska u aheyd boqorku ay si kedis ah boqorka madaxiisa uga dhacday xilli uu ku mashquulsanaa dagaalkii ba’naa ee ka dhacay degmada Waterloo sanadkii 1815.

READ MORE:  Shiinaha oo Sanceeyay dirayna labo Satellite oo ay Sacuudigu leeyihiin

Kabtan Hollandeys ah ayaa soo weriyay in ay koofiyaddu ahaan jirtay abaalmarin dagaal oo boqorka la gudoonsiiyey mar uu dagaal ka soo laabtay, waxa kale oo uu sheegay in koofiyada ay jiilal badan u aheyd jaa’zad la isgudoonsin jirey, oo ay boqoradii waagaas jirey ay u tartami jireen in ay helaan, tani qoyskiisu u heleen dhaxal ahaan.

Intaa kadib, waxaa dhammaadkii qarnigii 20-aad iibsadey ganacsade Faransiis ah.

“Waa uun koofiyad caadi ah, dhanka dareenka marka aad u barbardhigto koofiyadihii uu lahaa boqorku, waan arki karnaa dabagalkeeda iyo taariikhdii ay soo martay laakiin waa mid meesha ku jirta in aynu la socono in Koofiyadu leedahay xoogaa cilad jeex jeex yar ah. Wuu jiraa jajabkaas runtii mana aha sida koofiyadii hore ee hadda ka hor la iibiyey” ayey tiri Etienne de Baecque, oo ka socotay dhinaca xaraashaha koofiyadda xilli ay socotay munaasabad lagu sharfayey dagaaladii boqorka.

Waxaa kaloo goobta laga sheegay in koofiyadu ka mid aheyd 120 agab oo uu boqorku u adeegsan jirey dagaalada 15-kii sano ee uu xukunka boqornimada hayey, lamana hayo cadeyn buuxda oo dhigeysa in koofiyaddani tahay tii uu boqorku lahaa ayaa lagu yiri warbixinta xaraashka.

READ MORE:  Boqor Salman Bin C/Casiis Oo lacagta ka bixin doonaa tiro dhan 1500 Xujey ah Sanadkan

Waxa taa la mid ah oo dadka loo sheegay in “Walow ay jirto agab taariikhi ah oo la hayo isla markaasina soo jiidasho xiiso badan leh hadan aysan meesha ka marnayn shakiga ah in sheygii dhabta ahaa uu yahay iyo in kale” sidaa waxaa tiri De Baecque oo u warameysay Tvga France24.

Iibsigii Isniinta, ayaa la sheegay in uu ka qiimo hooseeyay koofiyad kale oo iyadu la soo bandhigay 4 sano ka hor laguna iibsaday maal dhan €1.9 milyan oo uu iibsaday maalqabeen ka soo jeeda boqortooyada reer Monaco ee dalka Koonfurta Kuuriya.

Si kastaba, waxaa loo jidbeysan yahay helista agabyadii boqorradii taariikhda soo maray kuwaas oo aad looga xiiseeyo wadamo badan oo caalamka ah.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->