Iska hor imaad ka dhacay Yugaandha Oo 55 Qof Oo lagu diley | Afrikada

Iska hor imaad ka dhacay Yugaandha Oo 55 Qof Oo lagu diley

Afrikada, Kampala: Tiro dad ah ayaa lagu dilay dagaal kulul oo u dhexeeya ciidammada Yugaandha iyo maleeshiyo beeleed deganayd degmo u dhow xuduudka Uganda ay la wadaagto wadanka Koongo.

Saraakiisha ayaa ku soo waramaya in maalintii Axadda ciidamadeeda amnigu ay fooda is dareen rag hubeysan oo difaacayey boqor dhaqameed lagu eedeeyay in uu hogaaminayay koox mucaarad ah.

Ugu yaraan 55 ruux oo ay ku jiraan 41 mucaaradka ah iyo 14 saraakisha booliska ayaa lagu dilay dirirtaasi oo ka dhacday gobolka Rwenzori ee djanka Uganda.

Sida uu ku waramay afhayeenka boolisku, Felix Kaweesi booliska waxaa ka dhaawacmay 4 sarkaal halka 4 kale oo millteriga ahina dhaawacan yihiin.

Dilalka soo kordhay ayaa ah kuwo ciidammada Yugaandha ay ku sifeynayaan mucaarad la aaminsan yahay in ay daacad u yihiin kaabo qabiil lagu magacaabo Charles Wesley Mumbere, kaasi oo ku kacsan madaxweynaha mudada dheer haya talada dalkaasi Yugaandha.

Rasaas ayaa mar qur ah ka shanqartay afaafka hore ee qasriga boqorka kadib markii Axadii ay ciidammada dowladdu isku dayeen in ay hubka ka dhigaan ilaalada boqor Mumbere isla markaana soo xiraan boqorka.

READ MORE:  Dowladda Bishaar Al-Asad Oo sheegatay gobollo hor leh oo ay isku balaarisay

Ciidammada Yugaandha waa ay jebiyeen ilaaladii iyagoo gudaha u galay soona qabtay boqor Mumbere una soo gudbiyey taliska sare ee booliska.

Capt. Arthur Timbaganya, oo ah afhayeen u hadlay ciidammada Yugaandha sheegay ee degaanka ayaa yiri: “Mumbere lama xirin ee naftiisa ayaa laga badbaadinayey dhibaatada meesha ka socotay.

Hase yeeshee dilka 4 sarkaal oo booliska ka tirsan ayaa u gogolxaartay in laamaha amnigu qaadaan tillaabooyin ay hub ka dhigis balastan ku sameynayaan ilaalada hubeysan ee kaabo qabiil Mumbere ee dhammaan gobolka sida uu ku warbixiyey afhayeenka ciidammada Col. Shaban Bantariza.

Kaabo qabiil Mumbere ayaa isagu boqor u ah dadka Bakoza waxaana qaar ka mid ah taageerayaashiisuna
ay ugu baaqeen in uu ku dhawaaqo in ay ka go’ayaan dalka Yugaandha intiisa kale.

Marka loo eego afhayeenka ciidammada Col. Babtariza, waxa uu tilmaamay in uu soo daabacday lacago u gaar ah oo kooxda gooni u goosadku leeyihiin, iyaga oo rajeynayay in ay Yugaandha kaga dhawaaqaan jamhuuriyad la yiraahdo ‘Yiira’

READ MORE:  Daacish Oo sheegatay mas'uuliyada Dil ka dhacay Muqdisho

Balse Mumbere waa uu beeniyay dhammaan eedeeymahaasi.

Degaannada galbeedka dalkaasi ee Kasese ayaa muddo mucaarad ku ahaa madaxweynaha Yugaandha Yuweri Mozeveni waxaana doorashooyinkii ugu dambeeyay ay u diideen in ay cod siiyaan dowladda uu hogaamiyo m/weyne Moseveni.

Afhayeen Bantariza ayaa mucaaradka ku eedeeyay in ay dusha uga baxaan buuraleyda Rwenzori halkaasi oo ay ku sameysteen kaamam milleteri oo ay sheegeen in lagu amray in ay ka sii ambaqaadaan howsha dowlad yar, ka hagaan canshuuraadka dadka ay u taliyaan.

Mucaaradka ayaa ku hubeysan qoryo casri ah iyo aaladaha wax lagu qarxiyo, sida afhayeenka ciidammadu sheegay.

“Waxa ay gacanta ku dhigeen dhammaan nolosha rayidka ee degaannada ay heystaan,” ayaa uu yiri. “Waana garaaceynaa kuwa raba in ay dhulkeenna dhibaatadan oo kale ka bilaabaan”

Museveni, awoodda dalkaasi heysta tan iyo sanadkii 1986-kii waxaana uu u halgamay dhowr jeer sidii uu ugu guuleeysan lahaa taageerada qowmiyadda Bakonzo-ha xilliyada doorashooyinka.

Balse dhibaatooyin ayaa dhashay marar badan oo la isku dayey in labo loo kal qeybiyo kooxaha loovu yeero Kasesa.

READ MORE:  DEG DEG: Turkiga Oo Xabsi ka sii Daayay Baadarigii U dhashay Mareykanka

Ilaa sanadii 1990-kii ayaa degaankani waxa uu ahaa mid fowdo ay ka dhacdo iyadoo ay ka howlgali jireen kooxda Allied Democratic Forces, oo fadhigooda u rartay gudaha wadanka Koongo, kadib markii xoog looga saaray dalka Yugaandha.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->