Internet-ka Oo Al-Jeeriya laga Jaray si aysan ardeydu u Qishin imtixaanaadka | Afrikada

Internet-ka Oo Al-Jeeriya laga Jaray si aysan ardeydu u Qishin imtixaanaadka

Afrikada, Algeris: Wadanka Algeria internet-ka ayaa hawada laga saaray Arbacada iyadoo uu bilaabanayo imtixaanaadka diploomada dugsiga sare ee dalkaasi taasi oo markiiba laga warhelay khad la’aan dalka saameysay.

Waxaa la sheegay in deminta internet-ka ay sabab u ahaan jirtey in ardeydu imtixaanka qishaan ama ay Google-gareeyaan su’aalaha iyagoo toos jawaabaha u heli jirey.

Aaladda moobileylka iyo leymanka intrnetka guud ayaa laga jaray dhammaan wadanka muddo labo saacadood ah iyadoo lagu soo aadiyey saacadihi imtixaanaadku dhacayeen, imtixnaadka sanad dugsiyeedka dalkaasi ayaa ka koobnaa labo imtixaan.

Hal saac oo kale ayaa iyadana la jari doonaa maalinta berito ah iyadoo la qorsheynayo in maalinta beri ah loo qorsheeyay goynta khadka, marka loo eego shirkadda taleefannada ee Algerie Telecom.

Howlaha internetka ayaa la gooyay ” iyada oo loo hogaansamayo amarrada ka soo baxay dowladda, kuwaasi oo looga gol leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa in diploomada dugsiga sare uu imtixaankeeda si habsami ah ugu dhaco” sidaa waxaa yiri saraakiisha shirkadda teleefanada Algerie Telecom.

READ MORE:  Iska hor imaad ka dhacay Yugaandha Oo 55 Qof Oo lagu diley

Hawo ka saarista la qorsheeyay ayaa socon doona xilliyada imtixaanaadka loo fadhiyo ilaa maalinimada Isniinta taasi oo lagula dirirayo qish ka dhex dhici kara ilaa in ka badan 700,000 arday ah.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->