Ciidamada ammaanka Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay 3 ruux | Afrikada

Ciidamada ammaanka Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay 3 ruux

Afrikada, Gaalkacyo: Ciidamada Booliska isku dhafka ah ee maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystay qabashada kooxo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay dhac geysteen iyo kuwa ku hawlanaa sameynta lacago been abuur ah.

Taliye kuxigeenka Booliska gobolka Mudug ee dhanka Galmudug Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa waxa uu sheegay in Taliyaha Booliska dhanka Puntland ay ku wareejinayaan nin gaari ka soo dhacay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo iyo raggan kale.

Hawlgalladan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Booliska Mudug ee loo aas aasay xasilinta xaaladaha gobolka ka dhaca, waxayna mar walba sameeyaan hawlgallo baaritaano ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Waxaa muuqata in ay kordheen wada shaqeynta ay muujinayaan ciidamada booliska ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca suggidda ammaanka iyo ka hor tagista rabshado mar kale magaaladaa ku soo celin kara dagaallo ku dhexmaray dhinacyada Galmudug iyo Puntland.

READ MORE:  Arag: Hal Sawir Kun Erey Ka Wax Sheeg Badan!

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO: Dhexdhexaadin laga dhex wado kooxaha Al Shabaab Iyo Mas’uuliyiinta Beled-Xaawo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladda amnigu ay ...
DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->