Ambassador Afey:”Qaxootiga Kenya jooga Hala Siiyo Fursad ay ganacsi ku sameysan karaan”

Afrikada, Nairobi: Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo ah ergayga gaarka ee hey’adda UNHCR ugu qaabilsan Xaaladda Qaxootiga Soomaalida, ayaa sheegay inay QM ka codsanayso dowladda Kenya in ay Qaxootiga siiyaan xorriyad ay ku dhaq-dhaaqaan si ay ganacsi uga dhex sameeyaan dalkaasi Kenya.

Ambassador Afey oo ka hadlayey munaasabadda Maalinta Qaxootiga Adduunka oo shalay lagu qabtay Nairobi, waxa uu tilmaamay in ay xorriyaddaas xoojin doonto awoodda shaqo ee qaxootiga magangelyo-doonka ah, kana macaashi karaan haddii loo ballan qaado xorriyadaasi.

Dhinaca kale, hey’adda QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa shaacisay tirada guud ee qaxootiga Soomaalida ee ku sugnaa xeradda Dhadhaab ee dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo.

Tiro-koobka waxaa lagu muujiyey in ay ugu yaraan 254,811 qaxooti ah ay dalkooda hooyo si iskooda ah ugu soo laabteen tan iyo sannadkii 2013-kii.

  • Kenya ayaa weli dooneysa in qaxootiga inta ka harsan ay ka baxaan dalkeeda, waxaana jirta caqabad balaaran oo dadka ka heysata in ay isaga baxaan Kenya, Caqabadahaasi ayaa ah sidatan:

 

  • Dadku markii ay u saftaan in laga qaado Xeryaha lama qaado waxaana UNHCR ay sheegataa baaqasho iyo cilado iyadoo dadku ku rafaadaan safaf maalin kasta la geliyo.

 

  • UNHCR waxa ay dalkoodii ku celisaa tiro aad u yar.

 

  • UNHCR waxa ay xerada Dhadhaab ka hirgelisay Basaska dadka celinaya iyo diyaarado wallow dadkii soo saftay oo dhan la wada geyn waayey dalkoodii.

 

  • Dowladda Kenya ayaa ilaa haatan ku qeylo dhaamineysa in laga baxo xerada qaxootiga Dhadhaab balse Qaramada Midoobey waxa ay ka cago jiideysaa in ay hal mar dadka soo safanaya dalkoodii wada geyso oo aaney cidna ka tegin.

 

  • Weli waxaa Qaxootiga lagu qabaa faa’iidooyin badan oo gudaha dalka Kenya ah, iyadoo la sheegayo in dadka degaanka qaxootigu ay ku cabaadeen dowladda iyo UNHCR in aysan hal mar wada daabulin dadka qaxootiga ah.

 

  • Sidaasi darteed ayaa dad badani waxa ay weli ku sugan yihiin xeryaha qaxootiga iyaga oo doonaya in ay dalkooda Soomaaliya cagta dhigaan oo ay dalkooda wax ka qabsadaan.

Dowladaha Soomaaliya, dowladda Kenya iyo hey’ada Qaxootiga ee UNHCR ayaa heshiiska dib u celinta kala saxiixday sanadkii 2013-kii balse waxaa mar kasta la eedeeynayaa qaxootiga iyadoo farta lagu fiiqo in aysan dooneynin in ay ka tagaan xeryaha, balse waxaa xaqiiqo ah in dadku gaadiidka iyo basaska agdhooban yihiin oo wax qaada xitaa la waayey, iyada oo UN-ku uu baajiyo in uu hal mar wada raro ama bilo gudahood ku nadiifiyo degaanka.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Weriye Yoonis Cali Nuur Oo ku geeriyooday London
- Jul 20, 2018
Afrikada, London: Wariye Yonis Cali Nuur oo muddo ku dhaw 30 sano u ...
DAAWO: Taliyihii Ciidammada Somaliland Oo U Gacan Galay Ciidammada dowladda Puntland
- Jul 20, 2018
Afrikada, Garoowe: Wararka ka imaanaya degaanka TUKARAQ ayaa sheegaya in jiidaha hore lagu arkay ...
DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’
- Jul 20, 2018
Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga ...
Kooxda Al-shabaab Oo Afduubteen Guddoomiyaal Degmo iyo Wiilal ay dhaleen
- Jul 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ka dhacday in Kooxda Al-shabaab ay ...
M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.
- Jul 19, 2018
Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo ...
%d bloggers like this: