XASAASI:Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Oo Ku Gacan Seyray dalabka Farmaajo Ee ah In Itoobiya la isku dhiibo | Afrikada

XASAASI:Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Oo Ku Gacan Seyray dalabka Farmaajo Ee ah In Itoobiya la isku dhiibo

Afrikada, Muqdisho:  Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ah xubin baarlamaanka ka soo gala dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku gacan seyray dalabkii m/weyne Farmaajo ee ahaa xiriirka cusub ee Itoobiya.

Axmed Macalin Fiqi ayaa leyliyay sida uu u soo deg degay isla markaasina aan horey loogu shaacinin xiriir inta hadda la heysto ka badan oo dhigaya in Itoobiya ay xuduudaheeda ku soo dhaafto iyadoo u soo hanqal taageysa hantida dal madax banaan.

Mudane Axmed M. Fiqi ayaa tilmaamay in madaxweynuhu uu wax badan ka qarinayey shacabka xilligii uu wareysiga siinayey TV-ga Qaranka isla markaana, sida uu hadalka u dhigay, loo baahnaa in uu si furan jawaab buuxda u  siiyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uu Fiqi ku eedeeyay Farmaajo in uu shir irduhu u xiran yihiin la fariistay r/wasaaraha Itobiya isla markaasina uu kula heshiiyay arrimo laga weli haatan wado daaha gadaashiisa, isla markaana u baahan in laga jaahil bixiyo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Fiqi ayaa yiri: “Abiy Axmed markii uu Adis Ababa ku noqday waxa uu sheegay in taariikhda colaadaha ka dhexjira Soomaaliyaa iyo Itoobya uu eedeeda dusha uga tuuray hogaamiyaashii hore ee labadaas dal ee kala ahaa AUN Siyaad Barre iyo Mingisto, ayadoo aad moodid kooxaha sax weeye iyo been ma sheegayaasha villa Somalia in ay arintaas buunbuuninayaan, laakin arrimaha labada dal ka dhexjira waa ay ka qoto-dheer yihiin intaas, tusaale ahaan; dagaalkii 77 -78 tirakoobka khasaarihii nafeed ee ka dhashay sida uu u qorayo buugga dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee uu qoray Prof. Faarax Qare, dhimashada Itoobiya 6,133 qof, dhaawaca 10,563, qabasho/lumis 3867, dhanka Soomaaliya: dhimasho 6,453, Dhaawac 2,409, Qabasho/lumis 275” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.”

READ MORE:  Ilhaan Cumar Oo Si Adag Uga Hor-timid Go'aan Uu Trump ku Difaacay Boqortooyada Sacuudiga.

Xildhibaanka oo ka hadlayey dhanka wax ka qabashada amniga dalka ayaa waxa uu ku gacan seyray in Farmaajo amniga wax ka qabtay isaga oo sheegay in uu xir xiray jidadkii loo mari lahaa nolol maalmeedka waxaana uu Fiqi mar kale
m/weynaha ku leyliyay in uu ku faanay in qaraxyo aaney ka dhicin caasimadda.

Axmed Macallin Fiqi ayaa yiri: “Waxaa lala yaabay mar madaxweynuhu uu ku faanayey in bishii Ramaadaan aan hal qarax dhicin, waa wax fiican, umaddana Allaha ka haayo, ciidankeenuna waa mahadsan yihiin, laakin waxaa muuqata madaxweynuhu inuu dhibaato ku qabay oo malaha hurdada ay ka qasi jireen qaraxyadu ee aysan u muuqan boqolaalka qoys ee reer Muqdisho ee dadkoodii ay jeclaayeen la laayey bishii Ramadaan oo uusan xitaa u quurin inuu u tacsiyadeeyo” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Ambassador Axmed Macallin Fiqi ayaa ka mid ahaa aqoonyahannadii wax ku soo bartay dalka Suudaan, waxaana uu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee u dhuun duleela halka ay cago dhigan karto siyaasadda arrimo dibadeed ee jahadu ka lunsan tahay ee dalku ku jiro.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->