Dowlada federaalka Oo joojineysa Deeqaha Beesha Caalamka Ee la gaarsiin jirey Somaliland.

Afrikada, Muqdisho: Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane Jamaal Xasan Maxamed ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan cusbooneysin doonin nidaamka gaarka ah ee beesha Caalamka ku taageeri jiray Somaliland.

Waxa uu wasiirku tilmaamay in aysan dowladda federaalku sii wadi karin nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka kula macaamili jirtay ama ay deeqaha ku siin jirtay Somaliland nidaamkan oo isagu loogu magac daray (Special Arrangements) kaasi oo la bilaabay sanadkii 2013, waxaana uu ka mid ahaa heshiiskii lagu saxiixay shirkii New Deal ee ka dhacay magaalada Brussels.

Dowladda ayaa sheegtay in ay beesha caalamka codsi u dirtay kaasi oo ay ku dalbaneyso in dib loo soo cusbooneysiiyo nidaamkaasi gaar ahaan qeybta quseeysa Somaliland, waxaa dowladdu ay sheegtay in nidaamkaasi uu waqtigiisii dhacay.

Sidaasi si la mid ah ayaa qoraalku waxa uu cadeynayey in dowladda Federaalka ay soo dhoweyneyso hab kasta oo lagu garab istaagayo maamulada dalka ka jira, balse nidaamka gaarka ah uu keenayo in maamulo kale ay dalbadaan, isla markaana ay halis gelineyso Qaranimada.

READ MORE:  Ehelka Gabar Yar Oo Lagu Dilay Muqdisho oo codsi U jeediyeen Dowladda Federaalka?

DOKUMENTIGA JOOJINTA:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Baarlamaanka Oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka golaha?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sharci dejiyeyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ...
DEG DEG: Toogasho ka dhacday Xarun uu booqanayey m/weyne Cabdiweli Gaas?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Boosaaso: Koox dabley ah ayaa weerartay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso. Warar ayaa ...
Prof Yahye Aamir: 7 kooxood ayaa Fulisa dilalka Muqdisho, anigu ma sheegi kari cida ay yihiin, dowladuna ma laha indho laga Baqo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay walaalkii ...
DAAWO Wararkii ugu dambeeyay iyo SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED Oo Tacsi U diray Qoyskii ninkii la Gubay?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka waramay dhacdadii ...
Siyaasi Caan ah oo kashifay sababta FARMAAJO uga tacsiyeyn waayey NINKII LAGU GUBAY Muqdisho?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli dadku xaqa iyo cadaaladda u kaceen ayaa afkiisu juuqda gabay madaweynaha ...
%d bloggers like this: