DAAWO argagax Abees Liqay Haweenay NOOL +Maskii Oo Calooshiisa la JEEXAYO kadibna laga Soo saaray meydkii

Haweenay u dhalatay dalka Indoneesiya ayaa laga soo dhex saaray caloosha abeeso wayn.

Abeeska ayaa haweeneyda soo weeraray xilli ay waraabineysay beer kadibna liqay iyada oo nool.

Muuqaal fajac leh ayaa muujinayey dad badan oo deriska ahaa oo maska calooshiisa kala jeexaya si ay meydkeeda uga soo saaraan.


Kala cararka ayaa bilowday markii carruur ay dhashay ay heleen toosh, baangad iyo kabihii hooyadood oo meel yaal, goobtana ay u muuqatay mid la isku rafiyey.

Wiilasha ayaa arkay abeeska oo sii mirqaya kadib markii uu wada liqay habartii.

Dadkii xaafadda ayaa kala jeexay Abeeska si ay uga soo saaraan meydka. Maska ayaa dherekiisu dhammaa 23-foot waxaana arrintani ay ka dhacday jasiiradda Muna, Koonfur galbeed degaanka Sulawesi.

Arrintan ayaa cabsi gelisay dadkii degmada kuwaasi oo qeyli iyo alle bari ku dhaqaaqay argagax dartii markii arkeen dhacdada.

Taliyaha booliska degmada ayaa yiri”Dadku markii horeba waa ay shakisnaayeen in uu mas cunay haweenta, markii ay heleenna waa ay dileen maskii beertii ayey ka soo dhex saareen wayna jeexeen kana soo saareen meydkii.

100 qof ayaa raadisay haweenta, kadib markii haweentu beerta ka soo noqo weysay.

Abeesooyinka waaweyn ee dhererkoodu yahay ilaa 30ft, ayaa laga helaa wadammada Indooneesiya iyo Filibiin.

Waxaa sanadkii hore uu abees dil u geystay nin beeralay ah, tuulada Salubiro ee isla jasiiraddaasi Sulawesi, dalka Indoneesiya.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO SAWIRADA: Al-Shabaab Oo Hadiyad Gudoonsiisay Oday Dhaqameedyo, mideysayna Qabaa’il dega meelaha ay ka taliyaan?
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wararka inaga soo gaaraya gobollada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ...
Wasiir C/risaaq: “Dowladdu Ma Gaarsiisna Heerkii La rabey, Waa Sii baaba’aynaa Ee aan Wada hadal la galno Al-Shabaab..?”
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed hadana ah mudane ka ...
Shacabka Muqdisho Oo dareemaya In aysan iyagu laheyn “Dhulka ay u Dhasheen” Maxaa ka maqan Reer Muqdisho Oo ay u Degi la’yihiin???
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dadka reer Muqdisho oo lagu tilmaamo in ay yihiin "madaxii wadanka" ayaa ...
AKHRISO: Midowga Yurub Oo DegDeg U Bixiyeen Lacago intuusan Shirka Brussels ku bilaabmin
- Jul 16, 2018
Afrikada, Brussels: Waxaa Midowga Yurub ay khasnadahooda ka soo faqeen malaayiin doolar oo laga ...
DAAWO: Hal Arrin Oo ay Al-Shabaab Si Xun Uga Naxeen Oo Muqdisho Ka Dhacday
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Hal arrin oo cabsi galisay dad badan ayaa ka dhacday Muqdisho. Waxaana ...
%d bloggers like this: