Boqoraddii ugu faca weynayd Daayeerada ‘Orangutans’ Oo geeriyootey
Waxaa geeriyootay boqoradii ugu weynayd ee qoyska ‘Sumatran orangutan’ iyadoo laheyd 11 canug iyo 54 ay sii dhaleen oo ku kala firirsan daafaha caalamka.
Waxa ay ku bakhtisay da’da 62, sida ay shaaciyeen saraakiisha goob xanaanada xayawaanka ah oo ku taal qaaradda Austraaliya, Talaadadii.
Puan oo afka Indonesian-ka lagu yiraahdo ‘Haweentii’ ayaa Isniintii geeriyootey, halkaasi waxaa keenay dowladda Maleesiya oo Austraaliya u siisay hadiyad ahaan iyo si hooyadu xanaano ay u hesho, waxaa lagu xareeyay xanaano ku taal Perth sanadkii 1968-kii.
“Wax badan ayey u qabatay warasadeedii kale ee ay isku meel ka soo jeedeen’ sidaasi waxaa yiri kormeeraheedii qaaska ahaa Holly Thompson.
Marka laga soo tago in ay ugu da’ waynayd horinta hadda nool ayaa hadana ‘hooyadani’ waxa ay xubin ka aheyd barnaamij caalami ah oo loo abuuray in xayawaanada isku firka ah lagu quudiyo.
Puan waxa canugeeda ugu weyn waxa lagu magacaabaa Nyaru, waana shaqsigii ugu dambeeyay ee duurjoogta lagu sii daayey. Carrurteeda kala waxaa loo kaladiray wadammada Yurub, Mareykanka iyo keymaha Sumatra ee Australasia.
Qabaa’ilkan daayeerada caqliga leh ayaa hooyadood waxa ay ku jirtey buugga Guinness ee lagu keydiyo wax kasta oo yaab leh, dhulalka Eeshiya waxaa looga yaqaan dadkii duurka ku noolaa. Waxaana qoyska ay duurka ku noolaadaan 50 sano oo keliya.
Kormeere Thompson ayaa sheegay in ay hoodani daayeerada caqliga leh ay si gooni keligeed u fadhin jirtey iyadoo dareemaysay xoriyad.
Luuqadda Ingiriiska Puan waxaa lagu yiraahdaa ‘Shaqsigii duurka joogay’
Waxaa la yiri orangutans waayihii hore lama dili jirin waayo waa ay caqli badnaayeen sababtoo ahna dadkii Cali Beysteenka ayaa aaminsanaa in ay bani’aadam yihiin.
Waxa kale Orangutaanku markasta ay u ekaayeen dad geedaha ku gabanaya oo ka baqaya in shaqo loo diro ama la gumeysto.
Orangutans waa qoys daayeerada ka mid ah waxaana jira 4 nooc oo daayeerada ‘Apes’ ah nooca gorillaha, chimpanzeega, bonobos-ka iyo orangutans-ka – Ogow Orangutanka waxa ay ka yimaadaan Eeshiya, inta kale oo dhamina waxa ay ku abtirsadaan qaaradda Afrika. Laba ayey u kala baxaan isirka reer orangutan waana Sumatran orangutan (Pongo abelii) iyo Bornean orangutan (Pongo pygmaeus).
Daayeerka noocan ahi waa mid caqli leh oo marka asd la joogto haddii uu yaab dareemo dhabanada qabsanaya oo ka fekaraya waxa dhacay, waxa kale uu bixiyaa digniin hadii uu dareemo wax uusan ku qanacsaneyn ama cadowtooyo ah.
SAWIRKA PUAN:
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<