Boqor Buur Madow Oo jeelka laga sii daayey+Muuse Biixi Oo Culeyska Qal-Qalka siyaasadeed iska yareynaya

Afrikada, Hargeysa: Boqor Cusmaan Buur Madow ayaa xabsiga laga sii saayey sida ay ehelada Boqorka u cadeeyeen warbaahinta.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku xabisnaa mid ka mid ah jeelasha Somaliland ayaa waxaa ay xukuumada Somaliland ku xukuntay 3 sanno oo xabsi ah waxaase uu maanta dib u helay xoriyadiisii.

Boqor Buurmadow ayaa wararku sheegayaan in uu cafis ka helay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyadoo sii deynta boqorka ay ku soo beegmayso xilli la filaayo in madaxweyne Muuse Biixi uu safar shaqo ugu ambabaxo gobollada Bariga Somaliland ee Sanaag Iyo Togdheer.

Warar hoose ayaa sheegaya in Muuse Biixi uu u sii daayey Boqor Buur-Madow si uu u yareeyo cadaadiska siyaasadeed ee Somaliland saarnaa muddooyinkii dambe iyadoo kacdoono is xig xiga iyo dagaallo ay khal khal geliyeen deganaanshiyihii iyo xasilloonidii ay ku faani jirtay Somaliland.

READ MORE:  Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Baarlamaanka Oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka golaha?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sharci dejiyeyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ...
DEG DEG: Toogasho ka dhacday Xarun uu booqanayey m/weyne Cabdiweli Gaas?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Boosaaso: Koox dabley ah ayaa weerartay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso. Warar ayaa ...
Prof Yahye Aamir: 7 kooxood ayaa Fulisa dilalka Muqdisho, anigu ma sheegi kari cida ay yihiin, dowladuna ma laha indho laga Baqo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay walaalkii ...
DAAWO Wararkii ugu dambeeyay iyo SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED Oo Tacsi U diray Qoyskii ninkii la Gubay?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka waramay dhacdadii ...
Siyaasi Caan ah oo kashifay sababta FARMAAJO uga tacsiyeyn waayey NINKII LAGU GUBAY Muqdisho?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli dadku xaqa iyo cadaaladda u kaceen ayaa afkiisu juuqda gabay madaweynaha ...
%d bloggers like this: