Xog muhiim ah:”Hadalkii R/wasaaraha Itoobiya Ee mideynta 2da dal+Sidee bulshadu uga falcelisay?” | Afrikada

Xog muhiim ah:”Hadalkii R/wasaaraha Itoobiya Ee mideynta 2da dal+Sidee bulshadu uga falcelisay?”

Afrikada, Addis Ababa: Saacado yar ka bacdi markii uu raysal waasaraha waddanka Ethiopia DR.ABYI AHMED uu Ku laabtay dalkiisa booqashadii uu Ku yimi magaalada muqdisho ee caasimadda somalia, ayuu wuxuu siiyeey waraysi televesion-ka dalkiisa, Ethiopian broadcasting cooperation (EBC) isagoo Ku hadlayey afka xabashiga ayuu wuxuu si qoto dheer uga hadlay wixii uu kala soo hadlay madaxda soomaaliya, “waxaana u sheegay madaxda soomaalida inaan gebi ahaanba bedelayo taariikhdii dalalka Ethiopia iyo somalia ka dhexayn jirtay oo ahayd colaad iyo dagaal” ayuu yidhi Dr.abyi ahmed raysulwasaarah dalka Ethiopia.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu madaxda soomaaliya kala hadlay waxa uu Ku sheegay iskaashiga dhaqaalaha labada dal isagoo ugu bishaareeyey dadkiisa in afar dekedood oo somalia ay leedahay Ethiopia loo saxiixay taasi oo dhaqaalaha dalka Ethiopia wax weeyn ka tari doonta.

Laakiin arrinta ugu xiisaha badan ee uu ka dhawaajiyey Dr.abyi Ahmed oo dad badan oo dalkiisa u dhashay u riyaaqeen waxay ahayd markii uu yidhi, waxaanu si buuxda madaxda soomaaliya iskugu afgaranay in labada dal si buuxda loogu beddelo hal dal oo isku mid ah “be mulu and ager meqeyerbet anegageren” ayuu Ku yidhi luqadda afka xabashiga taasi oo micneheedu noqonayo sidan ” waxaan si buuxda iskugu af garanay in labada waddan hal dal laga dhigo” sidoo kale markaynu eegno habkii uu Dr.abyi Ahmed Ku soo wajahay booqashada somalia ayaa ka duwaneeyd boqashooyinkii uu Ku tegey wadamo dhowr ah sida Djibouti, Kenya, Saudi arabia, Uganda taasi oo ahayd hanaankiisa protocol ka diplomacyadda oo dhamaystirnaa balse hanaanka uu soomaaliya Ku soo booqday waxay u muuqatay sidii nin madax ah oo gobol dalkiisa ka mid ah soo booqday.

READ MORE:  AKHRISO:Dowlada Itoobiya & Jabhada ONLF Oo Heshiisyo Nabadeed Ku kala Saxiixday Asmara

Arrinta kale ee lala yaabay waxay ahayd markii uu madaxweynaha somalia oo shir jaaraa’id kula yeeshay raisul wasaaraha Ethiopia uu yidhi isagoo Ku hadlaya afka English-ka Sudan “on behalf of my government and my people I do welcome to you in you second home” oo micneheedu yahay ” aniga oo Ku hadalaya magaca dowladayda iyo magaca shacabkayga waxaan kugu soo dhaweeynayaa dalkaaga labaad” iyadoo ay ahayd wax iska cad sida wax u socdaan oo qofkii caqli leh fahmi karo ayuu DR.Abyi Ahmed warkaan si cad ugu sheegay television-ka dalkiisa oo qofkii raba hadda ka heli karo warbixinta in kastoo uu Ku hadlayo afka xabashiga.

Qof muwaadin Ethiopian ah oo ah dadka comments ka ka soo dhiibtay oo ka mid ahaa boqolaalka qof ee u hambalyeeynayey raysalwasaarahooda ayaa sidan Ku soo qoray comments-kiisa ” it was my dream that I see in my life that I could drive from the beautifull beach of Mogadishu to mountainous highlands of Ethiopia up to the city of mossawa” oo micneheedu yahay ” waxaan weligay Ku riyoon jiray inaan maalin uun gaadhigayga ka soo kaxaysto xeebga quruxda badan ee muqdisho, oo aan sii maro buuralyda dhulka Ethiopia illaa aan ka gaadho magaalada xeebta ah ee mussawac ee dalka Eritrea” waana kahriiradda (map-ka) dhulkii ay xabashidu Ku taamaysay weligeed inay mar uun wada maamusho, waana dhulka taariikh ahaan loo yaqaan ” ardu xabash” ama ” ye habasha Eger”

READ MORE:  Theresa May Oo ku Dhiirigelinaysa Maal-Gashatada in ay aadaan dalalka Afrika

W/Q DR.AHMED HASSAN SAALAH.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
Wasaarado ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo korontadii Laga Jartay
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xarumaha ilaa 7 Wasaaradadood ...
Banaanbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo
- Nov 13, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Banaan bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay ...
Dagaal Oromo iyo Soomaali ku dhex maraya degaanka Mooyaale, 7 Dhimasho, 13 Dhaawac
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya degmada Mooyaale waxa ay sheegayaan in ugu yaraan ...
AKHRISO SIRTA: Labo koox oo Al-Shabaab ah oo isaga horyimid Jubada Dhexe?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dagaal ayaa ka dhex qarxay qaar ka mid ah kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->