Taayerro sharci-darro ah Oo lagu qabtay Xaafadda Islii

Afrikada, Eastleigh: Booliska magaalada Nairobi ayaa soo qabtay gaari tareele ah oo ay ka buuxaan in ka badan 5,400 oo ah taayarro warqad cadeyn ah aan heysanin.

Qof ganacsi ku leh xaafadani Soomaalidu ku badan tahay ayaa sheegaytay in uu isagu leeyahay 1,800 oo taayerada ka mid ah kuwaasi oo taayerada waaweyn lagu soo dhex qariyey.

Waxaa lagu qabtay xaafadda Soomaalidu ku badan tahay waxaana la sheegay in hantidani ay lahaayeen shirkadda Global Africa Tyres . Qaladka lagu qabtay ayaa ahaa iyagoo taayarrada kuwa yar yar dhex geliyay kuwa waaweyn, taasi oo ay uga dhuumanayeen canshuur bixinta.

Waaxda dembi baarista Kenya ee loo soo gaabiyo DCI oo ay wehliyeen saraakiisha canshuur ururinta ee loo soo gaabiyo KRA iyo ururka ka hortagga waxyaalaha been-abuurka ah iyo hey’ado kale ayaa fashiliyey taayeradaasi.

aalmahan ayaa waxaa dowladdu ugaarsaneysaa badeecooyinka dalkaasi la geliyo ee kontrobaanka iyo kuwa beenta ah isugu jira.

Booliska ayaa sheegay in ay su’aalo weydiin ku wadaan shaqsiyaad kala gedisan oo badeecooyinkani lagu qabtay, badeecada aya lagala baxsanayey canshuur bixin.

Taayerrada ama lugaha baabuurtan ayaa waxaa soo dejiya shirkadda Global Africa Tyres, waxaana la sheegay in shirkadaasi ay ka farcanto shirkad kale oo lagu magacaabo Batais Trading Company oo ku taal magaalada Dubai.

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO SAWIRADA: Al-Shabaab Oo Hadiyad Gudoonsiisay Oday Dhaqameedyo, mideysayna Qabaa’il dega meelaha ay ka taliyaan?
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wararka inaga soo gaaraya gobollada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ...
Wasiir C/risaaq: “Dowladdu Ma Gaarsiisna Heerkii La rabey, Waa Sii baaba’aynaa Ee aan Wada hadal la galno Al-Shabaab..?”
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed hadana ah mudane ka ...
Shacabka Muqdisho Oo dareemaya In aysan iyagu laheyn “Dhulka ay u Dhasheen” Maxaa ka maqan Reer Muqdisho Oo ay u Degi la’yihiin???
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dadka reer Muqdisho oo lagu tilmaamo in ay yihiin "madaxii wadanka" ayaa ...
AKHRISO: Midowga Yurub Oo DegDeg U Bixiyeen Lacago intuusan Shirka Brussels ku bilaabmin
- Jul 16, 2018
Afrikada, Brussels: Waxaa Midowga Yurub ay khasnadahooda ka soo faqeen malaayiin doolar oo laga ...
DAAWO: Hal Arrin Oo ay Al-Shabaab Si Xun Uga Naxeen Oo Muqdisho Ka Dhacday
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Hal arrin oo cabsi galisay dad badan ayaa ka dhacday Muqdisho. Waxaana ...
%d bloggers like this: