Ninkii ka dambeeyay Afduub loo geystay Weriye Amanda Lindhout Oo 15 sano lagu xukumay | Afrikada

Ninkii ka dambeeyay Afduub loo geystay Weriye Amanda Lindhout Oo 15 sano lagu xukumay

Afrikada, Kanada: Nin Soomaali ah ayaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah kadib markii maxkamad ku taal wadanka Kanada ay sheegtay in uu ka dambeeyay afduubkii loo geystay dad cadaan ah.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Cali Cumar Ader waana 40 jir waxaana lagu helay dembi ah in uu u kala dab qaadayey dad la afduubtay iyo qaraabada dadkaasi.

Ader ayaa lagu xiray magaalada Ottawa sanadkii 2015 waxaana xiray ciidammda booliska ee Royal Canadian Mounted Police.

Wararka ay sii deynayaan wakaaladaha wararka ee dalka Kanada ayaa sheegaya in Ader uu ku lug lahaa afduub loo geystay gabar weriye ah oo lagu magacaabo Amanda Lindhout iyo nin iyada la shaqeynayey oo sawir qaade ahaa oo lagu magacaabo Nigel Brennan kuwaasi oo madaxfurasho loo qabsaday sanadkii 2008-dii.

Xukunka ayaa waxaa riday maxkamadda Ontario Superior Court maalinimadii Isniinta. Waxaana inta xukunkiisa lagu guda jirey dacwad soo oogayaashu ay sheegeen in Ader uu ahaa maskaxdii ka dambeysay in maleeshiyo afduubato labada weriye ee xilligaasi la afduubtay.

READ MORE:  DHAGEYSO:-Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Dowlada.

Ader ayaa dhowr jeer ku qasbay gabadha Lindhout iyo sawir qaade Mr Brennan qoysaskooda in ay lacag bixiyaan, sida maxkamadda horteeda laga dhegaystay.

Waxaa la sheegay in lacagahaasi la bixiyey.

Ms Lindhout iyo Mr Brennan ayaa iyagu qori caaradiis lagu afduubtay iyaga oo markaasi ka shaqeynayey dhibaatooyinka dadka barakacayaasha ah meel u dhow kaam ay ku jireen dad qaxooti ah oo ku taal magaalada Muqdisho.

Waxa afduubtay oo qabsaday maleeshiyo aan heybtooda la garaneynin kuwaasi oo heystay 460 maalmood waxaa intaa kadibna ay lacagta heleen bishii November iyagoo isla sanadkaas 2009 sii daayey.

Waxa la afduubteyaasha ay qeexeen in loo geystay jirdil aad u daran iyada oo si xun loola dhaqmay, isla markaasina gaajo xun ay qabatay intii ay u xirnaayeen afduubteyaasha, gabadha ayaa si xun loo kufsaday, waxaana loo yeelay uur, iyada oo uurka lehna waa la sii daayey, walow markii ay wadankeedii Kanada iyo waalidkeed u tagtay ay canugii dhashay, waxaana canugii loo bixiyey, Usama.

READ MORE:  Dayax-Madoobaadkii Ugu Darnaa Oo dhacaya 27-ka Bisha

Gabadhu waa ka samri weysay dhibkii loo geystay, iyada oo aan faro ku heynin aabihii uurka lahaa ama kufsiga u geystay, wax yar kadib, waxaa maxkamadda fariin u soo diray sawirqaadaha Nigel Brennan oo gabadha lala afduubtay una dhashay wadanka Australia, waxaana fariinta uu u soo qoray maxkamadda Kanada ay u qorneyd sidatan: “Cafisku waa waxa keliya ee aan aaminsanahay in uu hore u socodsiin karo dadaalka bani’aadanimada, marka anigu dhinaceyga waa aan cafiyay dembiilaha.”

Si kastaba, Xukunka lagu riday Cali Cumar Ader ayaa dhacay 20 sano kadib, iyadoo ilaa iyo muddo badan la raadinayey qofka labadan weriye afduubtay, waxaana la helay Cali Oo isagu mukhalas ahaa isala markaasina dhiirigelinayey in lacag la kala qaato si uu isagu qeybtiisa u helo.

MUSAWIRKA CALI CUMAR ADER:

 

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->