Donald Trump: “Mareykanka ma aha Kaam Qaxootiga lagu quudiyo”
Afrikada, Washington:Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump ayaa axdi ku maray Isniintii in uusan aqbali doonin in Mareykanku noqdo kaam lagu quudiyo muhaajiriinta.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli ay xukuumaddisu wajaheyso cadaadis kaasi oo tilnaamaya in ay khatar tahay in la kala gooyo qaraabo wada dhashay oo qaarna galeen Mareykanka qaarka kalena ay doonayaan in ay u haajiraan dalkaasi.
Laakiin Trump ayaa yiri:”Mareykan ma noqon doono meel xero ah oo muhaajiriiintu ku soo ururaan, mana noqon doonno meel lagu quudiyo qaxootiga” Trump waxa uu hadalkan ka jeediyay aqalka cad fariin loogu magac daray ” Ma noqon doonto”
“Bal adiguba fiiri waxa ka dhacaya Yurub, adigu eeg bal waxa meeli badan dunida ka dhacaya, ma aqbali karno waxaas oo kale in ay ka dhacaan Mareykanka, lagama yaabo in ay dhacaan inta aan anigu isha ku hayo arrimaha.” ayaa uu yiri Donald Trump.
Ilaa tiro ku dhow 2,000 carruur ah ayaa waalidkood laga gooyay muddo 6 asbuuc ah, waxaana arrintani ay dhacday xilli dadka laga qabqabnayey xuduudka Mexico halkaasi oo dhallinyarada iyo dadka qaangaarka ah lagu xirayo isla markaana dad badan oo carruur watey laga qaaday carruurta muddo 6 asbuuc ah, sida ay sheegeen madaxda Mareykanka.
Trump ayaa gebi ahaanba ka horyimid in la qaabilo muhaajiriin haddii ay dhacdo in ay xadduudka soo gudbaanna xabsi lagu geynayo halkaasi oo lagu go’aansanayo in dib loogu celiyo dalkooda iyo in kale.
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<