DAAWO:M/weyne C/Gaas Oo soo kormeeray ciidammada & jeneraallada Puntland ka fadhiya Tukaraq | Afrikada

DAAWO:M/weyne C/Gaas Oo soo kormeeray ciidammada & jeneraallada Puntland ka fadhiya Tukaraq

Afrikada, Tukaraq: Madaxweynaha Puntland ahna taliyaha guud ee ciidamada Puntland mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday forimaha hore ee ay saldhigyada ku leeyihiin ciidammada Puntland.

Dr.Gaas ayaa kormeeray hubka iyo gaadiidka ciidamada isaga oo warbixinno ka dhegaystay jeneraallada iyo abaanduulayaasha Puntland ka fadhiya safafka hore Tukaraq.

Puntland ayaa wacad ku martay in ay sii wadeyso herdanka ay dib ugu soo ceshaneyso gacan ku heyn buuxda oo ay ku yeelato Tukaraq.

Talyaha guud ee ciidanka ahna m/weynaha ayaa saraakisha ciidanka difaaca dowladda Puntland u sheegay in xukuumadda iyo shacabkuba ay ku garabtaagan yihiin shaqada ay dalka u hayaan, isagoona horay u sheegay in Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn haseyeeshee ay difaacayso dalkeeda.

SAWIRADA:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->