AKHRISO:Amb. Fiqi Muxuu ka yiri Gal Dacwadeedka Muranka Badda ee Somalia Gudbisay? | Afrikada

AKHRISO:Amb. Fiqi Muxuu ka yiri Gal Dacwadeedka Muranka Badda ee Somalia Gudbisay?

Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay jawaabta gal dacwadeedka muranka Badda oo shalay ay u gudbisay maxkamadda Caalamiga ICJ ee Magaalada Hague.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Cali Saciid Fiqi oo gacantiisa ku geeyay gal dacwadeedka ayaa sheegay inay aheyd jawaab Soomaaliya laga sugayay kama dambeys 18-ka June 2018-ka.

Wuxuu intaas ku daray in Kenya looga fadhiyo in ay keento jawaab la mid ah mida Soomaaliya ugu dambeyn dhammaadka sanadkan bisha December 2018-ka.

“Maxkamadda hadda waxay galeysaa inay dhageysato arrimaha Soomaaliya iyo Kenya ay isku heystaan, Maxkamadda sanadkii hore waad ogeyd inay go’aan gaartay kaasoo la xiriiray in ay dhageysato kiiska, Kenya waxaa laga sugayaa December 18-keeda ee sanadkan, wixii ka dambeeya Maxkamadda ayaa go’aan ka gaari doonta.” ayuu yiri Danjire Fiqi.

Kenya ayaa sheeganeysa lahaanshiyaha dhul badeed lagu qiyaasay ilaa 100,000-KM oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Somaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin, waxaana Kenya ay sidoo kale diidan tahay in maxkamad lagu kala baxo.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->