Soomaali lagu Qabtay gudaha dalka Kenya Iyaga Oo safrinaya sonkor Sumeysan

Afrikada, Nairobi:Waxaa maanta maxkamad la soo taagay rag ganacsato Soomaaliyeed ah oo ku nool dalka Kenya. Waxaa la sheegay in raggani asbuuc ka hor laga qabtay xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh.

Waxaa lagu soo qabtay sonkor la sheegay in dalkaasi ay ku geliyeen sharci darro. Waxaa eedeysanayaasha lagu soo eedeeyay ilaa 6 dacwadood oo qaar ka mid ah ay tilmaamayaan in raggaasu ay ka ganacsanayeen badeeco aan u fiicneyn isticmaalka bulshada isla markaana noloshooda qal-qal galineyso.

3-da eedeeysane ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: Dahir Ahmed Hassan, Mohammed Dahir iyo Axmed Sheekh Maxamed waxaana horay loogu qabtay sonkor dhan 1,126 jawaan.

Dacwadaha kale ee lagu eedeeyay ayaa waxaa ka mid ah in badeecadaasi ay ku dhajiyeen shaabada been -abuur ah oo ay lee yihiin maamulka qiimeynta badeecooyinka ee loo gabsho KEBS.

Sidoo kale, waxaa lagu soo eedeeyay in ay iibinayeen saliida cunada oo gaareysay ilaa 648 konteenaro ah kuwaaso iyagana aan bulshada u wnaagsaneyn isticmaalkeeda, sida dowladdu ka dhawaajisay.

Hase ahaate 3-dan ganacsade ayaa iska fogeeyay dhammaan eedeymaha loo jeediyay waxaana lagu sii daayay damiin lacageed oo dhan 300,000 midkiiba.

Dowlada Kenya ayaa horay u shegtay in la xoojiyay howlgal lagu beegsanayo sonkor kontroban ah oo la sheegay in ay sun kujirto isla markaana suuqyada ku jirto.

Tan iyo labadii isbuuc ee la soo dhaafay laamaha amniga Kenya ayaa howlgal ay fuliyeen ku s oo qab-qabtay sonkor loo safriyay degmooyinka Kakamega, Matuu iyo Machakos, waxaa kale oo la sheegay in si gaar ah sonkortaasi loogu daabulay degmooyinka Ruiru iyo Islii oo iyagana Nairobi ka wada tirsan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Weriye Yoonis Cali Nuur Oo ku geeriyooday London
- Jul 20, 2018
Afrikada, London: Wariye Yonis Cali Nuur oo muddo ku dhaw 30 sano u ...
DAAWO: Taliyihii Ciidammada Somaliland Oo U Gacan Galay Ciidammada dowladda Puntland
- Jul 20, 2018
Afrikada, Garoowe: Wararka ka imaanaya degaanka TUKARAQ ayaa sheegaya in jiidaha hore lagu arkay ...
DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’
- Jul 20, 2018
Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga ...
Kooxda Al-shabaab Oo Afduubteen Guddoomiyaal Degmo iyo Wiilal ay dhaleen
- Jul 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ka dhacday in Kooxda Al-shabaab ay ...
M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.
- Jul 19, 2018
Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo ...
%d bloggers like this: