Dil Muqdisho Loogu geystay 3 Wiil oo walaalo ah+Akhri magacyada

Afrikada, Muqdisho:Nin ayaai waxa la sheegay in uu dilay 3 Wiil oo walaalo ahaa isaga oo ku dilay xaafada Gumareey ee waaxda Jamhuuriya degmada Kaaraan.

Dilaaga ayaa 3-da Wiil oo wada dhashay waxa ay la ahaayeen ilmo adeer,waxaana ehelada qaarkood inoo sheegeen in ay ku murmeen isqab qabsi dhinaca dhulka ah.

Maanta ayaa waxaa lagu aasay Qabuuro ku yaalla deegaanka Jaziira,iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Ehelada Marxuumiinta la dilay.

Ninkii ka dambeeyey dilka Saddexdaasi Wiil oo lagu Magacaabo Xaashi Cali Cade ayaa goobta ka baxsaday,iyada oo laamaha amniga Soomaaliya ay sheegeen in baadi goob ay ku hayaan.

Dilalka noocan oo kale ah ayaa ku soo batay Muqdisho,waxana 5-tii bishii May ee Sanadkaan Nin hubeysan uu ku dilay degmada Wadajir Xaaskiisa iyo 3 Qof oo kale.

DAAWO SAWIRADA:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Taliyihii Ciidammada Somaliland Oo U Gacan Galay Ciidammada dowladda Puntland
- Jul 20, 2018
Afrikada, Garoowe: Wararka ka imaanaya degaanka TUKARAQ ayaa sheegaya in jiidaha hore lagu arkay ...
DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’
- Jul 20, 2018
Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga ...
Kooxda Al-shabaab Oo Afduubteen Guddoomiyaal Degmo iyo Wiilal ay dhaleen
- Jul 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ka dhacday in Kooxda Al-shabaab ay ...
M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.
- Jul 19, 2018
Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo ...
Kuwait Oo martigelin doonta Shir Soomaaliya Looga Caawinayo dhanka Waxbarashada
- Jul 19, 2018
Afrikada, Kuwait:  Intii lagu jirey shirkii Brussels ayaa safiirka dowladda Kuwait ee Midowga Yurub, ...
%d bloggers like this: