Dhul gariir ka dhacay Japan

Afrikada, Tokyo:Dhul gariir ba’an ayaa ka dhacay dalka Japan, cabirka dhulgariirka ayaa dhamaa 5.3 halbeegga lagu cabbiro dhulgariirada waxaana ku dhintay labo qof inta ilaa hada la xaqiijiyay.

Mid ka mid ah labada qof ee geeriyooday ayaa cunug yar ah. Maanta oo Isniin ah ayaa uu dhacay dhul gariirku. Magaalada Osaka ayaa uu ka dhacay. Qof saddexaad ayaa loo badinayaa inuu dhulgariirka maanta ku dhintay.

Ilaa 20 qof ayaa ku dhaawacmay dhulgariirka. Canuga halkaasi ku dhintay ayaa ahaa 9 jir. Saqafyo guryo oo soo dumay ayaa dadka laayay.

Waxaa la sheegay in uu dhulgariirka ka dhashay kadib markii dhulka hoose ee baddu uu kala jeexmay ama kala durkay.

Korontada dalkaas ayaa jarantay waxaana sidoo kale istaagay isu socodka dadka iyo gaadiidka waxaana sidoo kale dillaacay ama jabay qasabadaha biyaha ee dhulka hoos mara. Biyo ayaa kasoo burqaday buuxshayna waddooyinka.

Shirkado ay ka mid tahay Honda ayaa hakiyay hawlahooda shaqo. 1995 dhulgariir ka dhacay dalkaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa 6500 oo qof.

READ MORE:  Iska hor imaad ka dhacay Yugaandha Oo 55 Qof Oo lagu diley


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Al-Shabaab Oo ku Sii Qulqulaya Degmooyin ka tirsan Galgaduud
- Sep 21, 2018
Afrikada, Galgaduud: Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo aad u hubeysan oo ka ...
WAR DEG DEG AH:Gabar kale oo ardayad ah Oo inta JAAMACAD Loogu Galay madaxa laga toogtay?
- Sep 21, 2018
Afrikada, Muqdisho: Warar haatan ina soo gaaraya ayaa sheegaya in gudaha jaamacadda Soomaaliya ee ...
Wufuuda Golaha Aqalka Sare oo Kismaayo Kula Kulmay Odayaasha Dhaqanka Iyo Haweenka
- Sep 21, 2018
Afrikada, Jubaland: Madaxda ka socota golaha aqalka sare ee dowladda federaalka ayaa gaaray magaalada ...
AKHRISO SIRTA ku jirta Soomidda maalinta Yowmul Cashuuraa Ee bisha Muxaram?
- Sep 21, 2018
Afrikada, Nairobi:  Maalmaha Ilaahay s.w.t. ee billowga sannadka Hijriyada ee Ilaahay s.w.t. barakeeyay, waxaa kamid ...
DHAGEYSO: Dagaal culus Oo ka dhacay Faafax-Dhuun
- Sep 20, 2018
Afrikada, Jubaland: Dagaal culus caawa ka dhacay meel u dhow degaanka Faafax-dhuun oo ...
%d bloggers like this: