Weerar ay ku dhinteen 31 qof oo ka dhacay Waqooyi Bari ee dalka Nigeria. | Afrikada

Weerar ay ku dhinteen 31 qof oo ka dhacay Waqooyi Bari ee dalka Nigeria.

Afrikada, Borno:Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhimatay qarax ismidaamin ahaa oo daqiiqada kahor ka dhacay Waqooyi bari ee dalka Nijeria, weerarkaasii oo ay geesteen xubna katirsan ururka Boko xaram.

Laba qarax ayaa la sheegay in ay ka dhaceen xafiisyada dowlada ee magaalada Damboa ee gobolka Borno, waxaana lala bartilmaameedsaday shacab muslimiin ah oo u dabaal dagayay ciidul fitriga.

Qaraxyadaasii ismiidaaminta ahaa waxaa xigay dhowr qarax oo kale oo ay ka mid yihiin bam gacmeedyo lagu dhex tuuray goobta ay isku qarxiyeen ismiidaamiyayaasha, waxaana laga cabsi qabaa in trada dhimashada ay sare usii kacdo.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaasii, laakinse qaraxyada ka dhaca gobolada waqooyi bari ee dalka Nijeria, waxaa inta badan geestaa xoogaga katirsan ururka Boko Xaram ee halkaasii ka dagaalama.

Sanadkan bilowgiisa ayuu madaxweynaha dalka Nijeria Maxamadu Buhari shaaciyay in laga adkaaday ururka boko xaram, hasa yeeshee waxaa wali badan qaraxyada iyo dilalka ay xubnaha kooxdani ka geesanayaan gobolada waqooyi bari ee dalka naijeria.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->