Hooyada Dhashay Hogaamiyaha Boko Xaram Oo la wareystay “Canugeyga Waan Jeclahay, yaan layga dilin”

Afrikada, Lagos: Waxaa hadashay hooyada dhashay nin maanta ah hoggaamiyaha kooxda Boko Xaraam Abubakar Shekau, waxaa hooyadu ay ka hadashay musiibooyinka uu wiilkeedu gaysanayo wiilkeeda inta uu yahay hogaamiyaha kooxda Boko Xaaraam oo iyagu ah urur argagixiso oo ka dagaalama wadankaasi Nigeria.

Waxa ay sheegtay in wiilkeeda uu hareer maray dhaqankii ay iyadu ku soo barbaarisay waxaana ay Abubarkar hooyadiis oo lagu magacaabo Falmata Abuubakar wareysi siisay ku hadasha codka Mareykanka ee VOA-da.

Mama Falmata ayaa sheegtay in aysan 15 sano ah aysan indho saarin wiilkeeda, waxayna intaas ku dartay “Waxaan rajaynayaa in uu Alle soo hanuuniyo”.

Mar la weydiiyay su’aal ah in ay wiilkeeda jeceshahay iyo in kale ayaa ay ku jawaabtay “Haa waa wiilkayga, hooyo kastana wiilkeeda waa jeceshahay, balse waxaan leenahay dabeecado kala duwan, runtii dhibaatooyin badan ayuu horseeday” ayay intaas ku dartay.

“Ma ahan dhaqankii iyo tarbiyaddii aan aniga baray, ma garanayo waxa ay yihiin waxa uu samaynayo, Alle ha soo hanuuniyo ” ayey tiri.

Sidoo kale Mama Falmata ayaa la weydiiyay in ay ka warqabto in uu nool yahay iyo in kale waxa ayna sheegtay in aysan ka warhaynin in uu noolyahay iyo in kale.

Si kastaba, Kooxda Boko Xaraam oo micnaheedu yahay ‘Waxbarashada reer Galbeedka waa xaaraam’ ayaa weeraro ka bilowday dalka Nigeria sanadkii 2009-kii, Kooxda Boko Xaaraam ayaa sidoo kale sheegtay in khilaafo Islaami ah ay ka samaynayso Waqooyiga Afrika.

Illaa 20 kun qof ayaa ku dhimatay rabshadahan kooxdu waddo weli, waxaana ku barakacay ilaa 2 milyan rayid ah sida la sheegay.

Sanadkii 2015-kii ayay ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda Daacish, balse 2016-kii ayay kala go’een kadib markii Daacish ay sheegtay in la badalay Abubakar, laguna badalay nin kale oo lagu magacaabo Abu Musab Al-Barnawi. Wakaaladda wararka Ingiriiska laga leeyahay ee BBC-da ayaa ku warbixisay in Muslimiinta Nayjeeriya ay haystaan aqlabiyadda wadankaasi kala bar marka loo eego sanadkii 2007-dii.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Weriye Yoonis Cali Nuur Oo ku geeriyooday London
- Jul 20, 2018
Afrikada, London: Wariye Yonis Cali Nuur oo muddo ku dhaw 30 sano u ...
DAAWO: Taliyihii Ciidammada Somaliland Oo U Gacan Galay Ciidammada dowladda Puntland
- Jul 20, 2018
Afrikada, Garoowe: Wararka ka imaanaya degaanka TUKARAQ ayaa sheegaya in jiidaha hore lagu arkay ...
DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’
- Jul 20, 2018
Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga ...
Kooxda Al-shabaab Oo Afduubteen Guddoomiyaal Degmo iyo Wiilal ay dhaleen
- Jul 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ka dhacday in Kooxda Al-shabaab ay ...
M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.
- Jul 19, 2018
Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo ...
%d bloggers like this: