Puntland:”Magaalada Gaalkacyo Hal Maamul ayaa ka talinaya” DHAGEYSO

Afrikada, Gaalkacyo: Madax ka tirsan dowladda Puntland ayaa markii horeysay shaaca ka qaaday in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay u go’eyso hal dhinac oo laba dhinac aaney meesha wada maamuli doonin.

Arrintan ayaa waxaa ka dhawaajiyay gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland mudane Xasan Maxamed Abgaalow, isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in magaalada Gaalkacyo uu hal maamul xukumi doono kaas oo ka shaqeyn doono sugida amniga.

Gudoomiyaha ma uusan cayimin midka uu noqonayo maamulka la doonayo in ay magaalada maamulaan labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug hase yeeshee waxa uu carabka ku adkeeyay in waqtiga haatan ah ay magaalada ka shaqeeyaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidammada isku dhafka ah ee dhowaan amniga loo xilsaaray.

Waxa uu sheegay in magaalada si amnigeeda loo sugo uu hal maamul xukumi doono oo amniga ka shaqeyn doono, Xasan ayaa sidoo kale bogaadiyey ciidammada haatan amniga sugaya oo uu tilmaamay in ay dadaal badan sameeyeen oo ay magaalada nabad ka dhigeen.

READ MORE:  DAAWO:Digniin Culus Oo Loo Diray Culimada Harti

Lama oga in dhanka Galmudug ay iyagu hadalkan dacwad ka qabaan iyo in kale balse waxaa la rajeynayaa in hdnka maamulka Galmudug ay jawaab ka soo saaraan arrintan oo ay u badan tahay in labada maamul ay iska kaashadaan cidii maamulka loo dhiibi lahaa.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO CODKA:

DAAWO:Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 19/09/2018
- Sep 19, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo ...
Axmed Madoobe: “Madaxweyne Farmaajo Waa Argagixiso” WARXIBIN XASAASI AH.
- Sep 18, 2018
Afrikada, Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:Nin la dilay iyadoo ay fiirsanayaan BOOLISKA Degmada Kaaraan
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in la dilay mid ...
DHAGEYSO:Ma jiro Hal Xildhibaan Oo ka hadlay XAALADDA Degaankii laga soo Doortay ?
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa isa soo taraya xuuraansiga sida ay u hadleen xubnihii baarlamaanka federaalka. Dhammaan ...
DHAGEYSO:Khudbadihii QIIRADA LAHAA Ee looga Bartay R/W KHEYRE, “Ma Aqbaleyno Damaca Dowlad Goboleedyada?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ...
%d bloggers like this: