Duqeymo Cirka ah Oo ka dhacay Hareeri Tuur iyo Gadoon-Dhowe | Afrikada

Duqeymo Cirka ah Oo ka dhacay Hareeri Tuur iyo Gadoon-Dhowe

Afrikada, Beled-Xaawo:Diyaaradaha Ciidammada cirka ee wadanka Kenya ayaa dusha sare ka duqeeyay degmada Ceel Cadde ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa duqeymaha ay saameeyeen deegaannada hoos yimaada degmada Ceel-Cadde, waxaa sida la sheegay ay diyaaraduhu daba joogeen goobo la sheegay in ay degan yihiin kooxaha Al-Shabaab.

lasoo sheegayaa khasaara soo gaaray dad shacab ah oo ubadan haween iyo carruur.

Wararka duqeymahaasi ayaa sheegaya in dad badan ay ku dhaawacmeen halka dad kalena lagu dilay.

Duqeymaha oo ay geysanayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa Miigagga loo yaqaan oo ay adeegsanayeen ciidammada cirka ee wadankaasi Kenya ayaa waxa ay si toos ah u beegsadeen bartilmaameedyo lagu sheegay in ay isku baheysanayeen dhallinyaro hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Deegaannada Hareeri Tuur iyo Gadoon-Dhowe oo dhammaantood gobolka Gedo ka tirsan ayay duqeymuhu ka socdeen xalay illaa iyo maanta duhurkii balse illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.

READ MORE:  Maxay Cirbixiyeenku ku sheegeen Dhagaxa NIBIRU Ee Soo Burburiyey Xidigga Mars+khatarta Uu soo wado Maxay Tahay?

Sidoo kale duqeymahu waxay beegsadeen wara biyoodyo iyo waddooyin ay dadka reer miyiga ah xoolahooda ugu arooriyaan ceelasha biyaha iyo dhulka daaqsinta ah.

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->