Dhacdo Ugub ah Oo ka dhex bilaabaneysa Qoyska B/tooyada Ingiriiska, ragga guursanaya rag kale | Afrikada

Dhacdo Ugub ah Oo ka dhex bilaabaneysa Qoyska B/tooyada Ingiriiska, ragga guursanaya rag kale

Markii ugu horeysay taariikhda qoyska boqortooyada Ingiriiska ayaa waxaa nin ay ilmo adeer yihiin Boqorad Elizabeth uu guursan doonaa nin kale.

Lord Ivar Mountbatten, oo ilma adeer la ah Queen Elizabeth, ayaa mehersan doona James Coyle waxaana uu meherku ka dhici doonaa macbad ku yaal degmada Devon oo ninka la aroosayo uu deggan yahay, tani ayaa noqoneysa dhacdadii ugu horeysay ee qof reer boqor ahi uu guur noocan ah ku dhaaqaaqo.

Ivar, ayaa hore xaasle u soo noqday waxaana u jooga carruur tiro ah.

Waxa uu sheegay in arrinta uu sameynayo ay tahay Samofal uu u sameynayp nin kale, kaasi oo uu sheegay in uusan laheyn karti iyo awood badan oo ku carruur ku yeesho, sidaa darteedna ay ku heshiiyeen in uu guri geysto.

“James ma uusan helin nolosha heerka sare ah ee anigu aan ku soo naalooday” ayaa uu yiri ninka wax guursan raba.

Qoyska ayaa caado u lahaa in aroosyadooda caalamka oo dhan laga daawado laguna soo qoro wargeysyada, balse lama oga arooskani loo soo bandhigi doono sida kii Prince Harry iyo xaaskiisa Meghan oo kale ama sida arooskii amiir William iyo Kate Middleton oo kale.

READ MORE:  Madaxweyne Geelle Oo Addis Ababa kula kulmay Aby Ahmed

Arrinkan ayaa saadaasha qoyskaasi su’aal cusub gelinaya maadaama falkani ugub ku yahay qoyskaasi reer boqor.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->