DAAWO SAWIR:Waxgarad ka Socda gobolka Awdal Oo Calan Cad kala degay Garoowe

Afrikada, Garoowe:Qeybo ka mid ah shacabka Somaliland gaar ahaan degaannada gobolka Awdal ayaa ka degay gobolka caasimadda Garoowe ee Puntland.

Waxaa waxgaradkani hogaaminaya Suldaan Abdi Gahayr Maxamuud oo isagu ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanada maamulka Soomaaliland.

Suldaanka ayaa la safarkiisa ayaa hadana wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu doonayo xalinta xiisada dagaal ee u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland taas oo ka taagan deegaanada Tukaraq.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan uu la qaato waxgaradka Magaalada Garoowe si xiisadaas loo qaboojiyo, arrintan ayaa ku soo aadeysa iyada oo ciidammo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Puntland ay u diyaargaroobeen guluf dagaal culus oo maalmaha soo socda wadnaha farta lagu hayey.

Ma jirto ergo gaar ah oo uu soo diray madaxweynaha Somaliland hase yeeshee waxa arrinta Suldaanku u muuqataa mid ka mid ah rabitaanka shacabka ee dhanka nabadda iyo isdhexgalka, walow ay siyaasiyiintu weli go’aan geesinimo ka qaadanin colaadda Tukaraq.

SAWIRADA:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO SAWIRADA: Al-Shabaab Oo Hadiyad Gudoonsiisay Oday Dhaqameedyo, mideysayna Qabaa’il dega meelaha ay ka taliyaan?
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wararka inaga soo gaaraya gobollada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ...
Wasiir C/risaaq: “Dowladdu Ma Gaarsiisna Heerkii La rabey, Waa Sii baaba’aynaa Ee aan Wada hadal la galno Al-Shabaab..?”
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed hadana ah mudane ka ...
Shacabka Muqdisho Oo dareemaya In aysan iyagu laheyn “Dhulka ay u Dhasheen” Maxaa ka maqan Reer Muqdisho Oo ay u Degi la’yihiin???
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dadka reer Muqdisho oo lagu tilmaamo in ay yihiin "madaxii wadanka" ayaa ...
AKHRISO: Midowga Yurub Oo DegDeg U Bixiyeen Lacago intuusan Shirka Brussels ku bilaabmin
- Jul 16, 2018
Afrikada, Brussels: Waxaa Midowga Yurub ay khasnadahooda ka soo faqeen malaayiin doolar oo laga ...
DAAWO: Hal Arrin Oo ay Al-Shabaab Si Xun Uga Naxeen Oo Muqdisho Ka Dhacday
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Hal arrin oo cabsi galisay dad badan ayaa ka dhacday Muqdisho. Waxaana ...
%d bloggers like this: