8 ka mid ah ciidammada Kenya Oo miino lagu qarxiyay, Wajeer

Afrikada, Wajeer: Wararka ka imaanaya wadanka Kenya waxa ay sheegayaan in qarax lala beegsaday ciidammo ka tirsan milleteriga Kenya ee degaanka Bojigaras ee gobolka Wajeer.

Dadka dhibanayaasha ah waxaa ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka iyo 3 kale oo ka tirsan bileyska.

Dad goob joog ahaa ayaa ku soo waramaya in dadkii saarnaa baabuurka ay dhammaantood halkaasi ku geeriyoodeen.

Xiriiriyaha dhanka nabadgelyada ee Waqooyi Bari Kenya Maxamd Saalax ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay weerarka ay goobta ka baxsadeen markii ay qaraxa geysteen. Waxaa uu Saalax farta ku fiiqay in qaraxa ay geeysteenkooxda mintidiinta Al-Shabaab.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii ay booliska Kenya ay maalmihii la soo dhaafay hadalhayeen in weeraro ay dhici karaan gudaha dalkaasi.

Waxa sidoo kale la sheegayaa in goobta weerarku ka dhacay ay tahay agagaarka Xar-Xar taasi oo dhowr kiiloomitir u jirta xaduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Goojogeyaal ayaa ku waramay in qaraxu dilay 5 ka mid ah ciidanka Kenya isla markaasina uu burbur u geystay gaarigii ay wateen.

READ MORE:  DHAGEYSO: Khudbaddii KHEYRE ka jeediyay Jaamacadda Bariga Afrika, "Aafada TUKARAQ Waa Mid na Hortaal, Naga dhameeya Dhibaatada Tukaraq"

Askarta kale ee 3-da ah ee badbaaday ayaa si xun qaraxu u dhaawacay. Dhammaantood waxa ay ciidammada ka tirsanaayeen guutooyinka GSU-da ee fadhiya kaamka Harhar. Warar kale waxa ay sheegayaan in ay ku daba jireen sonkor la sheegay in laga soo gooshiyo xaduudka ka hor inta aan askarta la qarxin.

 

Axmed Madoobe: “Madaxweyne Farmaajo Waa Argagixiso” WARXIBIN XASAASI AH.
- Sep 18, 2018
Afrikada, Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:Nin la dilay iyadoo ay fiirsanayaan BOOLISKA Degmada Kaaraan
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in la dilay mid ...
DHAGEYSO:Ma jiro Hal Xildhibaan Oo ka hadlay XAALADDA Degaankii laga soo Doortay ?
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa isa soo taraya xuuraansiga sida ay u hadleen xubnihii baarlamaanka federaalka. Dhammaan ...
DHAGEYSO:Khudbadihii QIIRADA LAHAA Ee looga Bartay R/W KHEYRE, “Ma Aqbaleyno Damaca Dowlad Goboleedyada?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ...
DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
%d bloggers like this: