WAR DEG DEG AH:Maxaa Shalay dhex Maray Imaaraadka Carabta Iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya???

Afrikada Addis Ababa: Wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday maalintii Jimcaha heshiis 3 bilyan oo doolarka Mareykanka ah taasi oo ah maalgashi ka kaalmeyn doona Itoobiya dhinacyada lacagta iyo maaliyadda.

Wararka ayaa sheegaya in labada wadan ay Jimcihii kala qaateen 1 bilyan oo hor maris ah, waxaana lacagta wareejiyay dhaxal sugaha Amiirnimada Imaaraadka isla markaasina ah abaanduulaha ciidammada Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, kaasi oo booqasho ku marayey wadanka Itoobiya.

Marka loo eego heshiiskani ay lagu saxiixay caasimadda Addis Ababa waxa uu farayaa in marka ugu horeysa 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah la dhigo bankiga ‘National Bank of Ethiopia’ taasi oo lagu kabayo waaxyaha dhaqaalaha ee dalka Itoobiya gaar ahaan dhanka “Lacag yari ka jirta dalkaas” sida ay ku soo warantay wakaaladda wararka ee Fana Broadcasting Corporate (FBC).

Yinager Desie, oo ah xiriiriyaha guddiga qorsheynta qaranka Itoobiya ayaa carabka ku adkeeyay in lacagta qalaad ee Itoobiya ay u baahatay ay aheyd mid daruuri ah. Waxaa uu tilmaamay in go’aan lagu qaatay in qeyb ahaan si gaar ah loo yeesho ganacsiga ay dowladdu leedahay taasi oo wadanka ka saacidi doonta in uu ka kabsado ‘dhibaatooyinka dhanka lacagaha ka heysta’

READ MORE:  Al-Shabaab Oo Dab Qabadsiiyey Gaari iyo Dadkii saarnaa, Qansax-Dheere.

Amiir Maxamed Bin Zayed ayaa isagu booqasho 2 cisho ah ku maraya Itoobiya ayaa carabka ku dhuftay in Imaaraadku diiradda saarayo dhinacyada wax soo saarka Itoobiya, caafimaadka, iyo soo dhoweynta taasi oo amiirku tilmaamay in ay tahay meelaha ay Imaaraadku daneynayaan in ay ku bixiyaan 2-da bilyan ee harsan.

Amiirka ayaa kulan la qaatay r’iisul wasaare Abiy Axmed waxaana ay si aad ah u gorfeeyeen xiriirka itoobiya kala dhexeeya gobolka iyo sidii Imaaraadka iyo Itoobiya u xajin lahaayeen iskaashiga dhaqan-dhaqaale ee labadooda wadan.

Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale Jimcihii “Ciidul Fitr’ waxa ay isku fureen Viisayaasha labada wadan oo diblumaasiyiintu is dhexqaadi doonaan.

DAAWO SAWIRADA:


 

DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
Doodii Baarlamaanka: “R/W Kheyroow DEG DEG Isku Casil Sababtoo ah Eey annagu Dooni Meyno”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo dood xasaasi ah ka yeeshay Amniga dalka, ayaa ...
DHAGEYSO: Nin si xun Loogu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha
- Sep 17, 2018
AFrikada, Muqdisho: Nin da' ah ayaa waxaa maanta lagu dilay xaafada Suuqa Xoolaha ee ...
Magaalo ku taal Mareykanka Oo Duufaanno go’doomiyeen
- Sep 17, 2018
Afrikada, USA: Waxaa duufaanno darani ka soconayaan wadanka Mareykanka gobollo ka mid ah waxaana ...
Shirkii Loo Balansanaa La dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish Oo Baaqday Iyo Mas’uuliyiin Muhiim ah Oo HURDADA ka soo kici waayey?
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maanta oo Isniin ah kuna beegan 17/9/2018 ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ...
%d bloggers like this: