Su’aal ka taagan Sida D.Trump u salaamay Generaal W/Kuuriya ka socday

Su’aalo ayey dadku iska weydiinayaan sababta uu madaxweynaha Mareykanka Donald J.Trump salaanta ciidanka u saaray xilli jeneraal reer W/Korea uu gacanta u soo taagayey.

Muuqaalkan la yaabka leh ayaa la qaaday intii lagu guda jirey booqashadii Trump ee Singapore asbuucani dhammaafka ah dhexdiis.

Waxa ay u muuqatay in Kim uu Trump barayey jeneraalka, sida uu soo daayey telefishinka Waqooyiga Kuuriya waxaa la arkayey Trump oo ku kaftamaya salaanta jeneraalka.

Trump ayaa iska dhowraya in ay taabato gacanta jananka intuu gacanta ku salaami lahaana u saaray salaanta ciidanka.

Isdhexgalka noocan ah ayaa dhaliyey is aamin darro, waxaana dadka eedeeya Trump oo horeyba u qiray inuu aad u soo dhoweeeyay keligii taliyaha Kim, hadana ay sheegayaan in uu jileec u muujiyey raggani lahu eedeeynayo gumaad baahsan oo baniaadanimo.

“Qofna la yaab kuma aha, iyagaba waxa ay warbaahintooda ka daayeen xayeysiin probogaando ah oo ay ku aflagaadeeynayeen madaxweynaheena,ayaa uu yiri senatarka Dimuqraadiga ah,” Chris Van Hollen oo laga wareystay arrimaha xagga dhaqamadii lagu arkay shirka.

READ MORE:  Imran Khan oo ku guuleystay doorashada Madaxtinimo Ee dalka Pakistan

“Trump waxa uu markasta ku dadaalayey in uu si sharaf leh u salaamo.” ayey tiri Sarah Sanders oo ontaa ku dartay in ay caadi aheyd salaantaasi.

Horey waxaa shacabka Mareyka uga yaabiyey 2009kii madaxweynihii hore Barack Obama xilli uu dhabarka u godayay Amiirka Japan boqor Akihito, tani oo Obama kaga careysiiyey xisbiga Jamhuuriga oo eedo kala duwan ka qoray.

Sidoo kale waxyaabihii waqtigaas laga qoray waxaa ka mid aheyd dhabar godkii uu madaxa hoos u foorariyey xilli uu la kulmayey boqorkii Sacuudiga ee xilligaasi.

Si kastaba, intii shirka Singapore socdey ayaa waxaa wardoonku indhaha saaray dhaqamo naxdin leh oo aan weli lagu shaacin mediaha rasmiga ah, labada dhinac oo mid waliba sirtiisa ka xafidanayey kan kale, qalimaanta saxiixa oo Kim kuwo u gaar ah watey iyo Kim oo hawada sare diyaaradiisu ku bedelatay lambarkii iyo astaanteedii xilli ay ka qaadey Singapore.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: